Xukuumadda oo Shaacisay in Magaalooyin Badani Ka Faaโ€™iidi Doonaan Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in magaalooyin badan oo xadka ku teedsani ay horumar ka dheefi doonaan heshiiska isfahan ee ay kala saxeexdeen JSL iyo Itoobiya.

Sidaasna waxa Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu ku sheegtay farriin ay ku baahisay barteeda X (Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxayna u qornayd sidan:-

โ€œMagaalooyin badan oo ku yaalla xudduuda ayaa horumar ka macaashi doona heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Magaalooyinkan oo labada dal ka kala tirsan waxa ka mid ah; Aw Barre, Wajaale iyo tobanaan magaalo oo kale oo dhaqaale ahaan ka faaโ€™iidi doona marka uu hirgalo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.โ€

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com