10-kii April 2010-kii dadka reer Poland waxa dhagahooda ku soo dhacay war argagax leh, kaas oo ah in ay burburtay diyaarad uu saarnaa madaxweynahoodii Lech Kaczyński iyo xaaskiisii Maria Kaczyńska iyo sidoo kale madax ay ka mid ahaayeen madaxweynihii Poland ee sannadihii siddeetamaadkii Ryszard Kaczorowski, guddoomiyihii bangiga dhexe, shaqaale madaxtooyada ka tirsan iyo saraakiil kale. Diyaaraddu waxay ku burburtay dhulweynaha Ruushka, tirada dadka ku dhintay marka la isku geeyo waxay ahayd 96 qof.
Baadhitaankii hore oo ay wada-jir u sameeyeen xukuumadda Poland iyo Ruushku ay wada sameeyeen waxay muujiyeen in diyaaraddu u burburtay sabab la xidhiidha xirfad-yaraanta bayloodadii diyaaraddaas waday oo maarayn kari waayey ceeryaan ku hagoogantay meel u dhaw maddaar ay rabeen in ay ku sii dagaan iyagoo si khalad ah joog hoose ugu duulay taasina ay keentay in ay diyaaraddu ku dhacdo dhir dhaadheer kadibna ay burburto.
Hase ahaatee dadweynaha Poland marnaba kama ay daalin shakiga ay ka qabeen in ay diyaradda soo ridday xukuumadda Ruushka oo khilaaf hoose ka dhaxeeyey madaxeyene Lech Kaczynski iyo siyaasadda xukuumadda Polan oo beryihii dambe u janjeedhsantay dhinaca galbeedka.
Baadhitaankan cusub wuu ka qoto dheer yahay kii hore, waxana hoggaaminaya xukuumadda Poland iyada oo loo xil saaray Jaroslaw Kaczynski oo ah mataan ay walaalo ahaayeen madaxweyne Lech-kii ku geeriyooday diyaaraddaas.
Qaar badan oo ka mid ah ehelada madaxdii diyaaraddaas ku naf weyday ayaa baadhitaankan cusub soo dhaweeyey waxayna sheegeen in ay muddo dheer u ooyayeen in laga gun gaadho xaqiiqada ka dambaysay sababta ay u geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen.
Baadhitaankan cusub ee bilaabmay wuxu iftiiminayaa heerka uu gaadhsiisan yahay shakiga ay kala qabaan labada xukuumadood ee Warsaw iyo Moscow oo beryaha qaar ahaa saaxiibo ka wada tirsan xulufadii Warsaw.
Il-wareed: Wakaalada Wararka
Bandhige News
Bandhige@gmail.com