Madaxweyne Barack Obama ayaa ugu baaqay ninka xilka kala wareegi doona ee Donald Trump in uu midnada dhiiri-geliyo, kadib ballanqaadyadii adkaa ee uu sameeyay markii uu socday ololaha doorashada.
Kadib hadalo adag oo uu ku weerarray Donald Trump intii uu socday ololaha doorashada, gaar ahaan midkii uu ku tilmaamay in Trump aanu Maraykanka hoggaamin karin, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in dalkiisa uu go’aan gaadhay, markaana loo baahan yahay in la taageero madaxweynaha la doortay.
Obama oo weriyayaasha kula hadlayay Aqalka Cad, ka hor inta aanu u bixin safarkiisii ugu dambeeyay ee dibedda ugu baxayey, ayaa Obama waxa uu qiray in uu walaac ka qabo in meesha ay ka baxaan guulihii uu gaadhay qaar ka mid ah, sida barnaamijka caafimaadka ay dadku awoodi karaan ee Obamacare.
Madaxweyne Obama oo sheegay in Trump aanu xidhiidhka u jari doonin gaashaanbuurta NATO iyo weliba Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Yurub iyo gaashaanbuurtaasiba u leeyihiin ammaanka dunida.
Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu ku qasban yahay in uu sii ahaado tiir awoodeed iyo meel ay dadka rajadooda ka eegtaan caalamka oo dhan.
Waxa uu ugu baaqay madaxweynaha la doortay in uu la hadlo dadyowga laga tirada badan yahay, kadib ololihii doorasho ee dalka kala qeybiyay