Xukuumadda somaliland ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saartay xaalada abaareed ee dalku ku jiro xiligan

Baaqan oo ku saabsan waxyeelada ay abaartu gaysatay oo taageero lagaga dalbanayo beesha caalamka isla markaana uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani” ayaa u dhignaa sidan:

“Guud ahaanba waxa dalka ka jira abaaro baahsan oo saddex jirsaday gaar ahaana gobollada bariga iyo galbeedka oo ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen isla markaana ay sababeen in dhammaan xoolihii la dhaqan jiray ay ka baxeen dadka oo aanay waxba ku hadhin habayaraatee, sidoo kalena dadka qaar ay u dhinteen macaluul iyo biyo la’aan, intooda kalena ay geeri qarka u saaran yihiin noloshooduna haatan ay marayso meel aad u adag oo u baahan gurmad bini’aadaminimo oo caalami ah. Sidaa darteed, xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dalalka deeqaha bixiya, hay’adaha caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay, kuwa gobolka, kuwa guddaha, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Somaliland in loo baahan yahay taakulayn iyo gurmad degdeg ah oo lagu samato bixiyo dadkaasi oo ay xaaladoodu marayso meel aad u halis ah oo aan la eegan karin.”

ALLAA MAAHD LEH

Cusmaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo wacyigelinta