Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xukuumaddu joojisay tukashada salaadaha taraawiixda iyo taajudka iyo ictikaafta masaajida 10 ka dambe ee bisha Ramadaan.
Go’aankan ayaa imanaya iyadoo xukuumaddu dadaal ugu jirto sidii looga hortaggi lahaa xanuunka dunida sida ba’an ugu faafaya ee Covid-19.
Dhanka kale Wasiir Khaliil waxa uu imaamyada masaajida ee Somaliland ku amray in salaadaha faralka ah ay dadka kala fogeeyaan oo ay isku jirsadaan hal mitir.
Bandhige@gmail.com