Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka uga Digtay inay Ku Khalado Doorashooyinka Soomaaliya

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay xushmeeyaan madax-bannaanida iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland, ย waxana ay u caddaysay in Somaliland ย ahayd ย dal dimuqraadiyadi ka jirtay ย Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Warsaxaafadeedkaasi waxa ย beesha caalamka lagu booriyey in aanay isku khaldin JSL iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay jawaab ka bixisay ย warsaxaafadeedkii wadajirka ahaa ee ay soo saareen Guddida doorashooyinka ee Soomaaliya iyo beesha caalamka 28kii Bishii Janaury 2020kii, ย waxana ay wasaaraddu ย uga digtay ย beesha caalamka ย farogelin kasta oo waxyeello ku noqon karta madax-bannaanida sharciga ku dhisan, xornimada ย siyaasadeed iyo dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay intaas raacisay in JSL ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay laheyd Xukuumad shaqeynaysa iyo nidaam dawladnimo oo dimuqraadi ah iyo dastuur u gaar ah oo ka turjumaya xaqa aayo-ka tashiga Shacbiga JSL.

Waxa kaloo Wasaaradda Khaarjigu tilmaantay in ย  Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuqraadiga ugu xoogga badan ee Bariga Afrika, sidaas darteed aanay habboonayn in la isku khaldo geddi-socodka tijaabada ah ee aan laga heshiin ee dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay xustay inay u caddaynayso beesha caalamka in ay ย sii wadayso dimuqraadiyadeeda iyo kaalinta ay ku leedahay nabadgelyada gobolka iyo gacan siinta Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ย JSL Samaysatay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay ugu baaqday beesha caalamku inay ย dhex ka noqdaan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika. Sidoo kalena waxa ay Xukuumadda JSL ay soo dhaweynaysaa in beesha caalamku ay dhiirigeliyaan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya si ay labada dal u xaqiijiyaan nabadgelyada iyo iskaashiga ay yeelan karaan.

Waxa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedkaas Wasaaradda Arrimaha Dibadda ย inay Somaliland qabsatay doorashooyin ay ku sifeeyeen goobjoogeyaashii caalamiga ahaa qaar u dhacay ย si xor iyo ย xalaal ah,isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah, maadaama oo ay Somaliland aheyd ย dalka kaliya diiwaangelinta codbixiyeyaasha ku hirgeliyey ย farsamada casriga ee lagu sawirayo buโ€™da isha si loo aqoonsado.

Ugu dambeyn, Xukuumadda JSL Waxa ay markale ugu baaday beesha caalamka inay xurmeeyaan himilada siyaasadeed ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.