Xukuumadda Somaliland Oo Booyaddo Deg-deg Ah U Dirtay Goboladda Somaliland ee Ay Abaartu Ka Jirto

Xukuumadda Somaliland Oo Booyaddo Deg-deg Ah U Dirtay Goboladda Somaliland ee Ay Abaartu Ka Jirto.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku wareejiyay Hayโ€™adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka booyado xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay goboladda ay abaartu ka jirto.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda bariga Somaliland, waxaanu amar ku biyay in dhakhso biyo loola gaadho dadkaasi ay abaartu saamaysay.