Xukuumadda Somaliland waxa cafis u fidisay siyaasiyiinta Somaliland ee jooga Muqdisho oo saluug badan ka muujiyey qaybsiga Baarlamaanka iyo Aqal Odayaasha Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay sheegtay in ay cafis u fidisay Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee rumeysnaa mabda’a Soomaali weyn, isla markaana dhawaan qaadacay qodobbadii kasoo baxay madasha Wada-tashiga Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu sheegay in cafis iyo taakulayn gaadiid oo lagaga soo qaadayo Soomaaliya u fidinayo siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho joogay ee wakhtigan yaqiinsaday in aanay Somaliland halkaas waxba u oolin, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Sidaad ka war haysaan 1961-kii – Dhallinyaro Reer Somaliland ah oo uu Hoggaaminayey – Allaha u naxariisto C/laahi Siciid Caabi ku dhintay sidii Somaliland xornimadeedda dib ula soo noqon lahayd, waxaad kaloo ka war-haysaan markii Xukunkii Maxamed Siyaad Barre Bur-burayey magaalooyinkii Somaliland la go’aansaday inay Somaliland Xorriyaddii dib ula soo noqoto, Dhib badan oo dhacday, dhimasho iyo dhaawac dhacday iyo wixii maal yaalay oo la burburiyey awgeed waxa suurogashay in lagu guulaysto riyaddii in Somaliland xor noqoto, wakhtigan aynu maanta joogno oo soomaalya wali sheeganayso inay Somaliland qayb ka tahay waxaa ilaahay ugu mahad naqaya walaalahayaga reer Somaliland ee ku sugan Soomaaliya ay maanta garteen in Soomaaliya waxba u oolin.”

Waxaanu intaa ku daray:

“Waxaan aduun weynaha u sheegayna, Somalia u sheegaynaa, siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar joogana u sheegaynaa mustaqbalku wuxuu ku jira Somaliland, mar haddii ay fahmeen in aanay Muqdisho waxba u oolin waxa uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo wuxuu u fidinayaa cafis bilaa shuruud ah, waxa kaloo uu madaxweynuhu u fidinayaa in wixii gaadiid ah ee taakulayn ah ee ay ku soo bixi lahaayeen diyaar loola yahay haddii ay diyaarad tahay iyo haddii ay Gaadiid kale tahay.”

Arrintaan, ayaa ka dambeeyay kadib markii Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ay saluug weyn ka muujiyeen saami-qaybsiga kuraaasta Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay cadaalad daro ka tirsanayaan qaabka loo qaybsaday kuraasta golahaasi sare.

Dhinaca kale, Xukuumaddu waxay sheegtay in ay soo dhoweynaysa wada hadalka u socda maamulka khaatumo ee uu hogaaminayo Cali KHaliif Galaydh, waxaanu yidhi:

“waxaan jeclahay inaan ka hadlo hadalo maalmahan dambe la iska dhex marayey oo ku saabsan Khaatumo, waanu soo dhoweynayaa hadaladda iyo wada hadalka xukuumadda iyo Khaatumo u socda, waxa kale oo aan la socod siinaynaa marka arrimaha khaatumo dhamaadaan ee la is af garto in shirweyne loo qabanayo beesha dhulbahante weyne oo hormood ka yihiiin garaadadda, isimidda beelaha dhulbahante weyne.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com