Sheeko dhab ah: I waydii waxaan rabo! (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

Ha walaacin hooyooy

Ha walaacin aabbooy

Wiilkiinii i baan ahay

Adna waalidkaygii

Waan ogsoonay inaad tahay

Waxbarashadu waa dantaydee

I waydii waxaan rabo

Way haboontay taladuye

Nuur  waa wiil yar oo jira 4 sano , waalidkiisa ayuu marar badan ka codsaday in la geeyo dugsiga , si uu wax u barto, sababtoo carruurta qayrkii ah ee ay jaarka yihiin waxay tagaan dugsiga ,

Si kastaba ha ahaatee, waalidkiisii  waxay go’aansadeen inay geeyaan  iskuul u ka mid ah dugsiyada barbaarinta carruurtaa oo ku yaalaya magaalaada ay deganayaan , inta badana tayadiisa waxbarasho la majeeran jirto kan kooban qaybaha kala duwan sida barbaartina ubadka, dugsi hoose dhexe iyo dugsi sareba  ,

Maalin maalmaha ka mid ah ayey aabbihii iyo hooyadii kaxeeyeen wiilkii yara ee Nuur waxaanay tageen dugsigii, si ay u soo waraysataan una soo qoraan ,

Waanay ku soo qanceen qaabka dugsigu dhisan yahay  iyo sida uu degaankiisu ugu haboon yahay dhalaanka , hadday noqoto macalimiinta haweenka ee u heelan carruurta tarbiyadooda , hadday noqoto barxada banana ee carruurtu ku baratamayso ama ku ciyaarayaan .

Maamulkii dugsiga iyo waalidkii way isku afgarteen in la qoro wiilkan yar , waxaanu macalinku  waydiiyey xaafada uu degan yahay si baska carruurta soo qaada u soo maro subaxii , waxaa kale oo intaa dheerayd in dirayska dugsigan loo soo iibiyey , oo aan la ogolayn dirays la’aan ,  wiilkii yare oo faraxsan  ayey waalidkii isoo raaceen  , waxaanay ku soo noqdeen gurigoodii, isla maalintii xigtayba hooyaddii dhashay wiilkan yare ee nuur , intay subaxii jarmaaday horena ka sii kaxaysatay inankii yare ayey tageen suuqii , waxanay u soo iibaysay , balacadii iskuulka, shandadii dhabarka la sudhanayey , qalimaantii , buuggaagtii  , waysadii yarayd ee uu sharaabka ku qaadanayey

istiigadii wax lagu masaxayey xataa xuruflaydii ama qalin qortii,  isku soo wada geeyo agabkii waxbarashada oo dhamaystiran baa wiilkii Nuur ahaa loo keenay,

isagoo farxad la bood boodaya ayaa gurigii lagu soo celiyey , xili qadadii markay tahay ayaa  aabbihii oo shaqo ka soo rawaxay  ku kulmeen xaafadoodii, allaabtii loo soo iibiyey baanu kolba shay tusaa ileen waa carruur iyo caadkeede , odayguna waabu iska daalanaayoo , wuu fiican yahay  aabbo ayuun buu isku dhaafiyaa , isagoo u sii raaciya , waxaasoo dhan baa laguu soo iibiyee si fiican adiguna wax u baro , ka yarina wuu iska qoslaa isagoo madaxa ruxuaya,

Wiilkii yaraa Nuur waxaa ku dheeraday habeenkii  , waagiina  wuu baryi la yahay, salaadii subax markii la eedaamay ayuu soo booday , isagoo moodayaa inuu waagii baryey, waxaanu arkay aabbihii oo waysaysanaya ,  isna intuu fool fool dhaqday ayuu hooyadii soo toosiyey si ay u diyaarso, waanay diyaarisay, markay goor sheegtu ahayd 6:30 subaxnimo ayey gaadheen dugsigii, oo markaas uu n safkii lagu jiro, waanay yar sugeen intii safka laga baxayey ,

Markii safkii laga dareeray ayey isaga iyo hooyadii  maamulkii dugisiga u tageen si uu ugu tilmaamo fasalkii uu ka fadhiisan lahaa iskuulka , nasiib wanaag macalin meesha marayey ayuu maamulihiina  sii raaciyey maadama uu ardayda kale ku mashquulsanaa ,

Macalinkiina ismabuu dhibine , wuxuu geeyey qaybtii carruurta yar yare e barbaarinta (KG),

Goortiisii waxaa fasalka la geeyey  daadihinaysa macalimada , wiilkii yaraa baa fasalkii la hor keenay waxaanay lagu wareejiyey macalimadii si ay booskiisa u fadhiiso , laakiin wiilkii yaraa wuu ka biyo  diiday inuu fadhiisto fasalkii si kastan waa la yidhi waan loogu taag waayey , hooyadiina waxay isku dayday inay ku qanciso ,waanuu diiday , xataa markii ay  istidhi ku qasbna , malaha u baqanayaaye , waxaabu bilaabay oohiin , macalimadii  baa tidhi , inta badan way iska ooyaan carrruurtu maalmaha ugu horaysa dugsiga ee maad iskaga tagi , hooyadii yaaban kana warwarsan  oo ka adkaysan la’ oohinta wiilkeeda , ayaa waxa soo barbar joogsaday oo   judhiiba meesha yimid mid maamulihii dugsiga , waxaanu eegay wiilkii yara, hooyadiina wuu eegay , waxaanu codsaday inay  gurigeedii iskaga celiso wiilanka  yar maadaama uu wali yar yahay una  baahan yahay inuu soo yar koro                qiyaastii ilaa sanad dambe,  hooyadii murugaysan baa tidhi oo aabbihiina maxaan ku odhan hadhow , maamulihii baa yidhi   ii garaac lambarkiisii ,  wiilka aabihiii baana la la soo hadlay ka dib markuu uu qabtay telefoonkii  , waxaanu ku yidhi maamulihii, walaal wiilkaagan yari wali wuu yar yahay, insha allah sanad ka dib uun baynu qori doonaa ee iska celiya , dugsigiina wuu ka ooyayaa .

Ninkii  wiilka yar dhalayna , wuu ka aqbalay dalabkii maamulaha kaga yimi  ,waxaanu yidhi iska  soo celiya  , sidii baana wiilkii lagu soo celiyey maalintaa, in kastoo hooyaddii aad iyo aad ugu xumaatay, Kharashka iyo hawsha uu galiyey wiilkan yari iyo sida uu u diiday hadan waxbarashadii ay la doonaysay , si kasta ha ahaatee sidii bay gurigii ku keentay,

Duhurkii xiligii , aabbihii shaqada ka soo laaban jiray markii ay gaadhay ,ee uu gurigii yimid  ayuu wiilkii yaraa ee Nuur u yeedhay abbihii , waxaa intaa dheeraa Nuur iyo aabbihii waxay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhow , waxaanu waydiiyey sababta uu u diiday dugsigii uu jeclaa ee uu rabay in inuu dhigto , Nuur waa wiil yar oo caqli badan isagoon is dhibin ayuu aabbihii  ugu jawaabay, aabbo anigu ma dhiganayo fasal wada hablo ah, ee maxaa mid inamo ku jiraan  lay geyn waayey?

Odaygii intuu aad ugu farxay su’aasha kalsoonida leh ee uu wiilku waydiiyey ayuu  xaaskiisii u yeedhay iyadana waydiiyey   , oo fasalka inanka la geeyey ma wada hablo ayuu ahaa miyaanay wiilaal ku jirin?

Waxaanay ugu jawaabtay mayee hablo kaliya ayuun baa ahaa……

Oo maxaa loo geyn waayey mid inamo ku jiraan ?

Dee macalinkii uun baa kaa na geeyey isna wuu diiday,ka yari .

Odaygii baa wiilkii yaraa la hadlay oo ku yidhi aabbo haddii lagu geeyo fasal willal ku jiraan ma jeclaan lahayd inaad  dhigato  iskuulkaagii ?

Wiilkii yaraa  Nuur si kalsooni leh  ayuu  aabbihii ugu  jawaabay haa , waan dhiganayaa

Aabbiihiina  subaxii dambe ayuu geeyey wiilkiisii yaraa dugsigii  , waxaanu ka codsaday maamulkii iyo macalimiintii  in la fadhiisiyow wiilka yar  fasalka ay inamo ku jiraan ,  Nuur isagoo faraxsan ayuu fadhiistay galaaskii ,Sidii baanu ilaa haaatan ku dhigtaa dugsigii.

WQ: Kamaal Xassan Isaaq

Muwaadin dadkiisa iyo dalkiisaba jecel 

Tell:  063-4402758  

 kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland