Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q2aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Qaybta labaad ee Taxanaha Sheeko Waayeed.  

Sheekadii Xildiid sidan ayaay ku bilaabantay: “Saxiib Warsamow, Gurmad waa goobaha loogu aqoonta badanyahay ee degaanka ka jira waxaa lagu asteeyaa taariikh dheer iyo sheekooyin xiiso badan xagga dulucda iyo nuxurka aay  Gurmad ku duugantahay, waxaa inta badan lagu gorfeyn jiray hadba xaaladda taagan iyo duruufta dadka qaarkood soo wajahda.  Gurmad waxaay ku sifeeysantahay mid ka mid ah astaamaha bulshadani ku horumartay, kuwaasoo muddada dheer lagusoo hiran jiray marka duruufi jirto, waxaay lahayd hibooyin iyo xiiso abuuri jiray in loo boholyoobo dhowrkii sanno hal mar, oo waxaa booqasho iyo xaajoba ku iman jiray dad boqolaal gaadhayaa, dadkaas oo dhisi jiray hiraalo lahaa qiimo badan iyo xikmado anshax badnaa oo u baahnaa  in la wada jiro guud ahaan.

“Qofkasta oo Samo-wanaag ku nooli waayeel, dumar, dhalinyaro, carruur dhammaan waxay  qayb-sanaayeen sheekooyinka iyo xikmadaha ka soo baxa bahda Gurmad, duruufta adag ee Gurmad soo wajjihi jirtay waxa lagaga gudbi jiray midnimo iyo walaaltinimo aan turxaan lahaayn, malahayn xadhko qocondho,  ceebayn iyo cambaarayn midkood. Muddada dheer ee Gurmad sidaas u wanaagsanaayd waxaay jaanta la heshay guyaal barwaaqo ah oo laga sooo doogay abaaro iyo dhib-kale oo badan, dadkuna baahi u qabaan sameeynta goobaha bulshada dhexda u ah”. “Warsamoow maanta inkastoo arinku ka duwanyahay nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba, haddana degaamadii ku xeeran Samo-wanaag waa laga soo hoyday gaar ahaan dadkii xoolo dhaqatada ahaa waxaay soo galeen magaalada Sammo-wanaag,  sababo aay ka mid tahay abaar iyo baahidii nololeed oo sii adkaanaysa”.

Soow ma ogid in Sammo-wanaag la ciir-ciirayso dadkii soo galaytiga iyo socotada ahaa? Sidaas waxa ii waaydiiy Xildiiid,  waxaan ugu jawaabay “haa Warsame (aniga) ayaaba  ka mid ahee, lakiin soogalaaytiga iyo Gurmad maxaa ka dhexeeyaa oo aad sheekada ugu soo dartay Xildiidoow?.  Waa jawaab iyo su’aal wada socda oo aan ku warsaday Xildiid, waxa uu igu jawaabay:

“Warsamoow; markii tirada dadka Samo-wanaag soo galayaa ay kordheen, khayraadki dhulka iyo goobihii wax-soo-saarku waxaay noqdeen gabaabsi sidoo kale  waay u qaybsami waayeen dadkii oo dhan si ku filan, waxaa is-wada bedelay ku xisaab-tankii, waxaana kordhay hammigii ahaa in la galo meel kasta oo dhaq-dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo wax-soo-saar ahaanba soo bidhiiqaysa, Gurmad waayihii dhulka iyo degaanka waxa ay la ahayd waayo iyo duruuf la mid ah, xogtii qarsoonayd ee Gurmad dad faro badan ayaa xogogaal ka noqday, waxaay badisay caqabadihi iyo is-fahan la’aantii Gurmad dhexdeeda iyo daneeyayaasha la dhashay.

“Warsamoow,  Gurmad iyo Samo wanaag waxa ay lahaan jireen  sheekooyin caan ah iyo doodo dhaadheer, waxaase ugu caansan, sheekadii Faarax Koodir oo dadka intooda badan ka sheekeeyaan inta lagu suganyahay Gurmad iyo goobaha aay fadhiistaan bahda Gurmad,  waxa gaar loo xiiseeyaa Faarax iyo imaatinkiisi Samo-wanaag iyo doonistii deg-dega ahaayd ee u ku dooonayay ka mid noqoshaha barbaarta Gurmad, waxaana sabab u ahayd dhegaysiga iyo bandhigga xikmadaha Gurmad ay la wadaagi jirtay idaacadaha iyo muuq baahiyayaasha (TV) kuwasoo gaadhi jiiray meelkasta oo ka mid ah dalka gaar ahaana goobaha miyiga ilaa magaalo, waxaase ugu cajiib badnaa barnaamijkii  la oran jiray Il-lo’aad”.

Xildiid oo sheekadii isii wada ayaa iigu daray taariikhdii xiisaha badnaayd ee ku saabsanaayd Faarax Koodir oo ka mid noqday madashaasii Gurmad, sidan ayuu iigu bilaabay sheekadii Faarax:

“Faarax Koodir waxaa uu ahaan jiray Geel jire noloshu hadhaysay oo isagoo da’ ahaan weyn kasoo tegay xoolihii uu raaci jiray, sababta ugu weyn ee uu uga safray waxa ay ahayd:  Weligiis isagoon idaacad dhegaysan sidoo kale aan aqoon u lahayn  wax Raadiyo la dhahaaa inuu jiro, maalin maalmaha ka mid ah ayaa  odey adeerkiis oo magaalo u dhow deganaan jiray ayaa waxa uu  aaday xajka, soo laabadkii Xaajiga waxa uu Faarax u keenay cod tebiye (Raadiyow) waxa uu baray sida loo isticmaalo idaacadda BBC-da iyo idaacadaha  kale ee gudaha ka shaqeeyaa. Koodir sidii uu maalin kasta u dhegaysanayay idaacaddii waxaay u noqotay caado iyo balwad gaar ahaan waxa u aad uga heli jiray  wararka iyo barnaamijyada taxanaha ah ee ka baxa afka Soomaalida, maalin maalmaha ka mid ah waxa uu  ka maqlay nin yaraantiisii ay geela wada raaci jireen oo loo yaqaan Warfaa, Koodir dhegta ayuu si gaar ah u saaray idaacaddii isagoo xiisaaynayaa arrinkii doodda ka socday madashaas ay soo tebinayso idaacada Dhawal  lana adeegsanayo barnaamijka il-lo’aad, waxaa dooddu u socotay si xiiso leh, Koodir xiiso gaar ah iyo nayaayiro ayaay ku abuurysay dhawaaqa  codkaasi, qalbi ahaan  aad ayuu ugu bogaadiyay saxiibkiis heerka uu gaadhay iyo halka uu taagan yahay, waxa uu Warfaa ula muuqday Faarax sidii cad-ceed soo daahirtay oo kale, niyad ahaan waxa uu gashtay  in Warfaa yahay mudan ku dayasho leh”.

Xildiid marba marka dambeeysa waxa uu igu duxinayaa sheekada, inkastoo waqtigu sii galbanayo, haddana waxa uu iigu daray intan:

“Arrimaha lama ilaabaanka ah ee qalibaga Faarax Koodir ku dheganaa  waxaa ka mid ahaa tan iyo muddadii Faarax dhegihiisu maqlaan codkuu Warfaa,  waxaay xasuusisay  yaraantoodii aay  legdanka, tabcadda, guda-galka iyo luufka ku wada ciyaari jireen, Dadaalka iyo dhaqaaqa Warfaa, Faarax waxaay la tahay khatar iyo halis qof u gala noloshiisa mooyaanee inaanu qofka kale halkan ka hadlin idaacad iyo cod-baahiyahan yar ee gacantiisa ku jira, cod tabiyaha iyo dhegaaysiga dooda Warfaa  wer-wer iyo dadaal xoogan ayuu ku abuuray dhanka Faarax.

Intii  sheekadu socotay Warsame ahaan ayaan Xildiid waaydiiay “.Horta Faarax maxaa naanaysta Koodir loogu bixiyay, mase ka xanaaqaa?” Xildiid sidan ayuu sheekadii iigu sii waday isagoo jawaabtaaydii raacinaya:

“Faarax Koodir, waxaa magaca hore u bixiyay Hooyadiis, kan dambana waxaa ku naanaysay asxaabtii aay geela wada raaci jireen, sababtuna waxa ay ahayd waxaa uu aad u jeclaan jiray inuu waxkasta ogaado ugana gun-gaadho, Geel jirayaashii meeshaas kula noolaa badankoodu arrinkaas may jeclaan jirin, waayo Faarax Koodir way ka sir qarsan jireeen madaama u su’aalo badnaa, waxa uu aad u jeclaan jiray in dadka tuulooyinka taga ama magaalooyinka fog-fog inta badan uga sheekeeyaan waxaay kusoo arkeen.“

“Marka lix-bilood laga joogo waqtigii doodda idaacadda ka dhegaaysanaay Faarax Koodir saxiibkii ee Warfaa, illaa maanta iyo  maalintaasna waxa uu  ku dhololayay haddii gugu’ da’o oo roobabku curtaan si wanaagsan, inuu Faarax   ka tago miyiga oo magaalooyinka u socdaalo, Faarax safar ayaa galay oo habeen iyo maalin midkasta dushiisa feker ayaa ka muuqda aan lahayn dhammaad Sammo-wanaag mooyaanee”.

“Maanta oo kale waa gu’ barwaaqo oo maansheeyay dooxyada, xooluhu waa barqo-dhereg aan lahayn wer-wer biyo la’aaneed oo dooxyada ayaa xareeddu jiiftaa, darista waa cagaarantahay, dadka intii guur doonka ahayd waa waqtigii lays dooni lahaa, intii hore isu doontay dadab-galkodii ayaa fooda inagu soo haya, wixii gashi iyo mag laysku lahaa waqtigi ballanka ayaa taagan, doorka hooyooyinka hawsha gurigu waa sii kordhaysaa ilayn waa laygsugu soo guuray oo gacal iyo xigaal meesha waa kasoo dhowaadeen, marti soorka iyo milgaha dadnimo labaduba waa waqtigii uu kala muuqan jiray.

Badhtamaha guggan ayaa Faarax  dareemay xasilooni iyo daaganaanshiyo gurrigii uu ka tirsanaa, waalidkii ducay la bar-bar taagan yihiin dadaalkii u  muujiyay xilligii abaarta ee caruurta kale la qabin duruuftii abaareed iyo tacabka, lakiin lama tuhunsanaa dhololka hadheeyay qalbiga Faarax ee ku aadan magaalooyinka uu deegaan kani ka tirsanyahay, halka waalidkii uu indha indheeynayaan gabadhii uu ku degi lahaa Faarax, gaar ahaan hooyada gurigu ee Shamis Dheer waxaay biloowday sahamis dhanka ooridii Faarax u noqon lahaayd marwo haween, waxaay kormeertaa si xeeladaaysan guryaha jaarka,  lakiin ujeedkeedu yahay inay bal in uun isha ku dhifato hal gabadh gashaanti ah oo buuxisay astaamihii gabadh gurri iyo marwo ahaanba.

Faarax caqligiisu waa ka indho iyo dhego la’yahay, baahi kasta oo wiil doob ah maskaxdiisa ka guuxaaya sida,  guur iyo hasaawe labadaba, aroor barqo ah oo xoolihii intii dheregtay dibiro la jiifto degaanka dadkii joogayna badankoodu aadeen tuulooyinkii ku xeegaarna, Faara  ayaa haanedka ku dhufatay hal geela oo gaana ah laakiin xoog la tiicaysa, si’uu uga iibiyo dadka hilibka u baahan ee sanuunad iyo jashu dhaadhiday  magaalooyinka u dhow-dhow, halka Faarax waxaa ujeedkiisu ahaa si’uu ugu sii jid maro inta uu ka gaadhayo halkii uu ku taamayay, waxaa uu neefkii kasii iibisaday meel tuulo ah oo aan ka fogayn deegaanka uu Faarax joogay. Faarax  waxaa uu ambabaxay magaaladii Sammo-wanaag isagoo niyad ahaan iyo nafsad ahaanbaa wanaagsan tahay dareenkiinsu/farxaddiisuna ay jaranatahy. Koodir waxa uu ku degay qof dumar ah oo ugu beegan habaryar muddona uu warkeeda iyo xaalkeeda  dushaas kasii urursaday, Maalmihii hore Faarax waxaa ka yaabiyay magaalada iyo waayaheeda iyo noloshii adkayd ee dhib u jooga ahayd iyo tan uu hadeer galay , sidaas ayaa Koodir ula qabsaday habkii magaalo.  Waqtigii  ee nasasho iyo dal barasho ka bacdi Faarax Koodir waxa uu bilaabay waxbarashadii mid Cilmi diineed iyo maaddii labadaba, dhanka kale Faarax waxaa uu raadis ugu jiraa sidii uu uheli lahaa saxiibkii Warfaa iyo madashii Gurmad labadaba,  dad badan ayuu waaydiiday maalinkastaba, dhamaantood waa  ka cudur daartaan aqoonta Warfaa ee sii xeel-dheer.

Lasoco qaaybta sadexaad………..