Xus loogu ducaynaayey Mujaahidiintii SNM ee uu nafwaayey dib u xoreynii Somaliland ayaa waxa xalay lagu qabtey magaalada Hargeysa. Xuskan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Jimciyada Waxbarashada Diiniga ee Jimciyatul Axbaab.
Xuskan Diiniga ah ayaa ah mid ay Jimciyatul Axbaab qabato sannadkiiba hal mar gaar ahaana 15-Ka bisha ramadaan kaasi oo loogu duceeyo Allah ha u Naxariistee Shuhadadii SNM ee u nafwaayey jalgankii dheeraa ee dib u xoreyntii Dalka.
Xuskan ayaa waxa sannad walba lagu qabtaa Maqaamka Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur oo ku yaala xaafada Qudhac dheer ee isla markaana ahaa ah halkii laga aasaasay halgankii dalka dib loogu xoreeyey.
Xaruntan ayaa ahayd halkii bar-kulanka u ahayd Hoggaankii sare ee Mujaahidiintii dalka xoreynaysay xiligii ay dalka u halgamaayeen, Mujaahidiintii Majliskan ku kulmi jirey ayaa waxa ka mid ahaa Mujaahid Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur oo ahaa Sheekha Majliska aasaasay isla markaana Hagaha guud u ahaa.
Culimadii iyo bulshadii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay xuskan ayaa dhamaantood u duceeyey Mujaahidiintii u naftooda u hurey halgankii adkaa ee dalka lagu hantiyey iyagoo Illaahay uga rajeeyey inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo intii geeriyootay inta xanuunsanaynsana Illaahay caafimaad u waydiiyey, sidoo kale bulshadani waxay ku dheeraadeen doorkii goobtan xuska lagu qabtey ku lahayd halgankii Dalka lagu Xoreeyey.