Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta oo laga xusay Hargeysa, Madaxweyne-Xigeenka oo ka qaybgalay

Sannad kasta maanta oo kale waxa dunida lagu xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta. Xaflad si wanaagsan loo abaabulay oo uu ka qayb-galay Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.

Waxa iyaguna xafladdan ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali-Sandulle, Wasiir-Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Yuusuf Garas, Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Bulshada Luul iyo xubno kale oo door ah. Hal-ku-dhegga sannadkan lagu xusay Maalinta Carruurta Adduunka wuxu ahaa:

“Ha la yareeyo hagardaamooyinka bulshada uga imanaya carruurta.”

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo madasha hadal ka jeediyey ayaa tibaaxay muhiimadda ay carruurtu ugu fadhido Somaliland. Wuxu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ansixiyey qaybo ka mid ah siyaasadaha carruurta lagu hor marinayo, inta hadhayna lagu gudo jiro sidii loo ansixin lahaa.

Carruurtii xafladdan ka qayb-gashay ayaa qaarkood ka mahadceliyeen qabsoomidda munaasibadda. Ugu dambayntii Madaxweyne-Xigeenku wuxu guddoonsiiyey hadiyado uga yimid shirkadda daabacaadda ee Sagaljet.

Madaxweyne-xigeen Saylici Xuska Maalinta Carruurta

Hoos ka daawo muuqaalka xafladda oo dhammaystiran.