Xuska maalinta dhalinyaradda Somaliland oo si wayn looga xusay Hargaysa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa iyo guud ahaan dalka oo dhan laga xusay Xuska maalinta Dhalinyaradda Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan 20 February.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada, gudoomiyaha gobolka maroodi-Jeex, maayarka caasimada iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay 20ka February oo ah maalinta kacdoonka dhalinyarada Somaliland ee dhagax Tuurka oo guud ahaan maanta dalka laga xusay.