Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo Lagu Qabtay Hargaysa

Xuska maalinta Dhallinyarada Somaliland oo sanad kasta la qabto 20-ka bisha February, ayaa shalay lagu qabtay caasimadda Hargaysa, iyo magaalooyinka goboladda dalka qaarkood.

Munaasibadii lagu qabtay Caasimadda Hargeysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, ururadda bulshadda rayidkadka ah ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyaradaiyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka mid ah xildhibaanada goleyaasha Wakiiladda, Guurtida, siyaasiyiin, wasiirka dhallinyaradaiyo ciyaaraha, agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyaradaiyo ciyaaraha, iyo xubno ka socday hayaadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyaradaee dalka ka hawl galla.

Xuska maalinta dhallinyaradaSomaliland oo ay ka qayb qaateen boqolaal dhalinyaro ah oo ku labisnaa maryo ay ku xardhanaayeen hal-ku dhegyo lagu dhiiri gelinayo dhalinyarada.

Kuwaasoo ay hor kacayeen wasiirradii, iyo masuuliyiintii kale ayaa markii danbe waxay wasiirradii, iyo masuuliyiintii kale hadalo ka jeediyeen fagaaraha beerta xoriyada oo loo qorsheeyay in ay xafladu ka qabsoonto.

Xuska maalintani oo noqonaya kii 42aad, ayaa la soo bilaabay sanadkii 1982-kii, iyadoona si weyn dalka looga xuso tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay janhuuriyada Somaliland gooni isku taageeda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudahs Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo hadal ka jeediyay madashii xuskaasi lagi qabtay ayaa ka sheekeeyay halgankii taariikheed ee ay soo mareen dhalinyaradii UFO.

Waxaanu sheegay wasiirku in dhallinyaradahadda joogta looga baahan yahay in ay la yimaadaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka aqoontoodda.

Waxaanu yidhi โ€œXoriyad waliba dadkeeda ayay leedahay u soo halgama, dhalinyaradii UFO ee soo halgamay, oo aynu maanta (shalay), taariikhdoodii halkan ku xusayno.

dhallinyaradamaanta joogtana waxaan leenahay waa inay halkaa ka sii wadaan. dhallinyaradahada joogta ma jiro cadaadis haysta oo ay u baahan yihiin in ay ka xoroobaan, balse waxaa looga baahan yahay in lagu hago aqoon, iyo waxbarasho, iyo tacliin, nabad-geliyo iyo midnimoโ€.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyaradaiyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in hal ku dhega sanadkan ee xuska maalinta dhalinyara Somaliland uu yahay nabad iyo horumar.

Waxaanu yidhi โ€œWasaarad ahaan waa sanadkii 42aad ee maalintan qiimaha weyn leh, oo ah maalintii dhallinyaradaSomaliland. Sharaf weyn ayaanay noo tahay in aanu sanad walba xusno maalintan qiimaha lehโ€.

Geesta kale agaasimaha guud waxa uu sheegay in wakhtigan la joogo ay dhallinyaradaSomaliland u baahan yihiin midnimo iyo horumar.

โ€ dhallinyaradaSomaliland maanta waxay u baahan yihiin nabad, iyo midnimo. Waana hal ku dhega sanadkani waa horumar iyo midnimo. Arrinta ugu weyn ee ay dhallinyaradaSomaliland maanta u baahan yihiin, ee ay dawladuna xooga saartay, waa midnimada iyo horumarka ummada Somalilandโ€ ayuu yidhi C/rashiid Caydiid Yaasiin

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com