Ugu yaraan afartan askari ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo uu gaystay qof isqarxiyey, kaasi oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.
Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .
Waa weerarkii ugu dambeeyey weeraro xidhiidh ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen. Todobaad ka hor, xooggaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso doawladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen.