Zimbabwe waxay daadad ku dileen 246 qof

 

Daadad ayaa koonfurta iyo koonfurta galbeed ee dalka Zimbabwe ku dilay 246 qof, islamarkaana guryo laโ€™aan dhigay laba kun oo qof oo kale, tan iyo bishii December ee sannadkii tagay.

Dowladda lacag laโ€™aanta ay hayso ee dalkaasi ayaa ka codsaneysa beesha caalamka in ay gargaar lasoo gaadho, si kaalmo ay uga geystaan wax ka qabashada khasaaraha ay sababeen daadadkan.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in waddooyin iyo buundooyin ay xaadhay daadadka, taasi oo xaafado qaar ka goysay xaafadaha kale ee ku dhow.

Zimbabwe ayaa waxa ay billaabeysay in ay kasoo baxdo laba xilli oo abaaro xooggan ah, waxaana hadda daligii beeraha burburiyey daadkii ku dhuftay.

Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay sannadkii tagay in Zimbabwe ay wajaheysay heerkii ugu xumaa ee macluusha carruurta ee ay aragto muddo 15 sanno ah.

bandhige@gmail.com