Baahida Jidhka Iyo Dareenka Maskaxada!

Koox cilmi baadhayaal oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa soo saaray in hoormoonka herlin oo ah ka qaabilsan gaajada markuu soo baxo ay maskaxdu kordhiso xusuusta. Hormoonka ayaa sababay inay maskaxdu soo celiso macluumad badan oo ku kaydsan.

Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in calooshu marka ay madhan tahay ay hormoonadaasi maskaxda u kordhiyaan inay si firfircooni xusuusta u badiso, iyadoo ku xidhn baahida jidhku u qabo inuu helo raashin uu qaato awgeed.

Darasadda aya intaasi ku dartay inay tani qofka u sahalayso inuu dhakhso u xusuuto arimo badan oo ka maqnaa ama halkii uu raashin uu cuno ka heli lahaa. Waxase weli ay garan la’ yihiin xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo xusuusta. Laakiin waxa la isla qiray in baahidu ay tahay tan keenta horumarka iyo xal u helidda mushkuladda oo xidhiidh la leh maskaxda.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com