Biyahaasi waxay ku dhacaan dooxyadda Waaweyn Waxaanay qaadaan carradii nafaqadda lahayd iyo siidhkii dhirta”

Carro-guurka ku dhaca dhulka ayaa la tilmaamaa in ay keento daadadka ka dhasha biyaha roobka ee sida xawliga ah dhulka u jara xiliyadda ay roobabku da’aan, biyahaasi oo dhamaantoodba si toos ah ugu shubma Baddaha.

Waxaanay taasi ka mid tahay wxyaabaha keena carro-guurka aadka u daran ee sanadahan danbe xaalifiyay deegaankeena, taasoo sidoo kalena qayb ka ah dhibaatooyinka ka dhashay ama qaybta ka ah isbedelka cimiladda ah oo qodobka ugu weyn ee waayadan danbe uu caalamka oo dhami ka hadlo.

Waxa kaloo la rumaysan yahay in carro-guurka ay sababaan waddooyinka baabuurta gaadiidka la raaco ee ka kala dhex shaqeeya tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah, kuwaasoo hadba meesha ay waddo ka dhigtaan ay noqoto biyo mareen aan dabiici ahayn

Samaysanka waddooyinka cusub ayaa sii siidhkii ay dhirta iyo cawsku ka tarmi jireen oo ay biyaha daadadku qaadaan, isla markaana Baddaha ku daraan, taasoo sabab u noqonaysa in gebi ahaanba uu dhulkii isku bedelo lama degaan.

Waxaana arrintaasi ay caqabad ku noqotay in xoolihii ay waayaan caws ama daaq iyo dhir-cawseed kala fara badnaa in ay soo bixi waayaan, kadib markii ay biyaha roobku dhulkii waddooyinka cusub ahaa oo dooxyo noqday darteed ay siidhkii badda ku dareen.

Sidee ayaa wax looga qaban karaa carro-guurka ku dhaca deegaanka? Waxaa lagama maar-maan ah in la helo biy-qabatino lagu joojinayo biyaha roobka ee sida xawliga ah u jeexaya dhul daaqsimeedka, taasoo loo arko in ay wax ka tarayso xaalufinta carradii nafaqada lahayd ee lakabka sare ee dhul daaqsimeedka.

Iyadoo taa laga duulayo ayaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay qaaday qorshe la doonayo in wax lagaga qabto carro-guurka ku dhaca deegaanka ee sababaan biyaha roobka ee dooxyadu ku shubaan baddaha.

Waxaanay wasaaradu ka samaysay meelo ku kala yaalla goboladda dalka mashruucyo biyo qabatin ah oo lagu xidhayo dooxyadda ama togaga mara dhul daaqsimeedka, meelahaasi oo ay dhibaatooyin carro-guur ka gaysteen daadadku.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa seere-cawseedka Waylo-koriye, oo ka tirsan degmadda Wadaamo-goo, ee gobolka Saraar ka bilawday mashruuc biyo qabatin ah oo lagu yaraynayo nabaad-guurka.

Waxaana mashruucani looga gol leeyahay in lagu yareeyo nabaad-guurka, isla markaana in lagaga faa’iidaysto biyaha roobka, si looga hor tago ama wax looga qabto iyaha roobka ee sida xawliga ah dooxadaasi ku dhaafa.

Masharuucani oo ka kooban laba qaybood, isla markaana wejigiisii hore ee seere-xiliyeedku uu soo dhamaaday ayaa haatan waxaa si rasmi ah bilaabmay wejiga labaad ee lagaga faa’iidaysanayo biyaha roobka.

Mubaarik Ismaaciil Cismaan, isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ee gobolka Saraar, oo faah-faahin ka bixiyay mashruucani iyo faa’iidada uu leeyahay ayaa sheegay in u jeedadu tahay sidii wax looga qaban lahaa biyaha qul-qulka ku mara dhulkaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaanu ka bilawnay seeraha Waylo-koriye, mashruuc ahaa qod-qod, isla markaana lagu joojinayo biyaha roobka ee sida xawliga ah meeshan dooxadda ah u marra, iyadoo biyo badani ay buuraha ku hareeraysan dooxadani ka soo rog madaan.

Biyahaasi waxay si toos ah ugu dhacaan dooxyadda waaweyn ee dhinaca woqooyi ka mara degmadda Wadaamo-goo, waxaanay biyahaasi qaadaan carradii nafaqadda lahayd, waxa kaloo ay qaadaan dhirta intii Siidhka u ahayd, waxyeelo badan ayay kolay deegaanka u keenaan. Sidaa darteed in la joojiyo, oo biyihii in la qabto, oo Moosas loo sameeyo daruuri ayay nqotay”.

Geesta kale Mubaarik Ismaaciil Cismaan, waxa kaloo uu sheegay mashruucani ay si toos ah u fulinayso, isla markaana u maal-gelinayso wasaaradda deegaanka Somaliland, iyadoona la maal-geliyay miisaaniyadda qaranka.

Isu-duwaha ayaa tilmaamay in mashruucani uu socon doono muddo laa bilood, isla markaana ay rejaynayaan in mudadaasi ay ku xidhaan dhul fara badan oo ay biyuhu si toos ah u dhaafi jireen.

“Shaqadani waxaa wadda oo aan cidna la kaashanaynin wasaaradda deegaanka jamhuuriyadda Somaliland. Waana mid ka mid ah mashaariicda qaranka ee laga maal-geliyo miisaaniyadda qaranka. Qod qodkani dadka ka shaqaynayaa waa 30 qof, oo ah. Sidaas ayaana lagu shaqaynayaa muddo laba bilood ah.

Waxaanan rejaynaynaa in mudadaa laba bilood ah la xidho dhulka inta ugu badan ee ay biyahaasi maraan, ee labadda jiho ee Laamiga labadda dhinac ka kala xigta. Anaguna sidaas ayaanu ku kor meeraynaa inta shaqadda la qabanayo” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saraar.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com