Markii maclinka dhowr arday weydiiyay mid kasta shaqada uu aabihi qabto, ee si fudud oo dhakhso ah uga wada jawabeen, ayuu soo gaadhay inuu weydiiyo arday da’diisu yar tahay su’aasha.
Ardayga yar ayay murugo ka muuqatay aamusnaan ayuu kaga jawaabay. Ka dibna maclinka ayaa su’aasha ku celiyay isagoo kor u dhawaaqay oo yidhi :” Waar noo sheeg aabaha wuxu ka sheqeeyo isagoo cadho ka muuqato?” .
Ardayga ayaa istaagay isagoo niyad jabsan Waxaana uu yidhi :” Aabahay wuxu jiifaa Xabaashiisa”.
Dareenka ardayga yar wuu is bedelay markii kuwii ka horeeyay dhamaantood sheegeen in aabayaashood meelo kala duwan ka sheqeeyan. Marar badan ayaynu dareenka kuwa inala nool meel kaga dhacaynaa, oo niyad jab ku sii abuuraynaa inagoo aan si fiican u fikirin. Haddii su’aal aamus lagugu jawaabo , waa inay taasi kugu filaato oo ay ku cadaysaa in jawaabtii aad heshay. Macaliku waxa saaraan masuuliyad ah in doorweyna ka qaato ilaalinta dareenka nafsaaniga ah ee Ardayga.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com