Daryeelka Xubnaha Dareemaha Maqalka

Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska oo daraasad ka sameeyay dhego laโ€™aanta ayaa sheegay in laga yaabo in dawo loo helo dadka aan dhegaha waxba ka maqal.

Cilmi baadhista oo ay maalgelisay hayโ€™ad u dooda ururada dhegoolayaasha ayaa la filayaa inay guul ku dhamaato.

Madaxa cilmi kooxda baadhista wada Dr.Marcello ayaa si kooban u yidhi :โ€ Unugyada cusub ee aanu daraasadda ku samaynay waxay noo fududaynaysaa inaan helo farsamo cusub oo aanu ku gaadhsiino dawo xubnaha dhintay ee dhegaha dhexdooda ah sida durbaanka dhegta.

Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in dawo loo helo dheo laโ€™aanta ay muddo qaadan doonto iyagoo wakhtigan baadhis ku samaynaya maqalka xayawaanada kala duwan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com