Farxad Iyo Cadhada Isku Lammaan!

Boqor ka mid ah boqoradii Hindiya ayaa maalin u yeedhay wasiirkiisa waxaana uu ka codsaday inuu u soo qoro eray xikmad ah oo haddii uu faraxsan yahay ka cadhaysiiya, haddii uu cadhaysan yahayna ka farxiya.

Wasiirka ayaa usoo qoray erayga ah “ Wakhtigani wuu dhamanaaya” “This time will go”. Haddii aad farxad ku jirto wuu kaa nixinayaa isagoo kuu muujinaya inuu kaa dhamaan doono, haddii aad murugo ku jirtana wuxu ku tusayaa in aanay ahayn wax waaraya.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com