Hawl Kasta Wejiga Wanaagsan Ka Eeg!

Wuxu ahaa aabe qoyskiisa maalin kasta webiga uga sooย  dhaamaya biyaha oo ku soo qaadi jiray qoriga garbihiisa labada weelka ugu xidhan.

Midkooda labada weelka ah waa uu daloolay oo biyaha ayuu daadin jiray waxaana gurigaย  gudihiisa uu soo gaadhsiin jiray kala badh marka uu webiga ka soo dhaamiyo. Laba sano markii uu waday ayuu weelkii daloolay la hadaly oo ku yidhi :โ€ Waxaan la yaabay dadaalka haddana cidladda ku dhaamanaya, maalin kasta biyaha aad igu qaado kala badh way daataanโ€.

 

Aabaha oo faraxsan ayaa ugu jawaabay weelkii daloolay :โ€ Miyaanad u fiirsan ubaxyada dariiqa guriga qurxiyay iyo khudrada baxday ee ay soo saareen biyaha kaa daatayโ€.ย  โ€œMidhaha gurigayga ka baxay adiga ayaa waraabiya aniguna waan gurtaaโ€. Haddii aanad daloolin midhahaasi iima bexeen, waana aan ugu talogalayโ€. Waxa muhiim ah inaan aqbalano ficilada ay samaynayaan dadka aan la noolahay, waayo dhinaca aan arkayno maahe, dhinacyo kale ayaa jira oo wax kasta laga arkayoโ€.