Hubsiimo Ayaa Kugu Filan!

Markii odayga iyo wiilkiisa oo 25 sanno jir ahi ay tareenka raaceen aad ayuu wiilku u faraxsanaa. Markii uu dhaqaaqay tareenku waxa uu ku yidhi aabihii: “Aabo waa sidee dhirtii ayaa ordaysee?” Haddana xayawaano ayuu arkay, aabo waa maxay waxan kale ? Dumar agtiisa fadhiyay ayaa u adkysan waayay wiilka, oo odaygii ku yidhi: “ Inanka maxaad u geyn weyday dhakhtar haddiii u sidan u buko ?

Odayga ayaa ku jawaabay “Hadda ayaanu ku soconaa dhakhtarka, waayo wiilkaygani imika ayuu wax arkay weligii, hore wuu indha la’aa”! Wakhtiyo badan waxaynu la degdegaynaa su’aal, inagoo dhaawacayna dadka kale, oo aan hubin xaaladda jirta.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com