Maskaxda Iyo Kordhka Xusuust!

Cuntada uu qofku qaato ayaa si toos ah saamayn ugu leh hawlqabadka maskaxda. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxadaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyyo hawlqabadkeeda.

Shaki kuma jiro in uu kaluunku yahay mid aad faaโ€™iido badan u leh, maxaa yeelay wax ku badan acid Omega iyo saliida kaluunka oo ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee dhinac maskaxda. Kaluunka laftiisa ayaa usii kala wanagaasan dhinac maskaxada waxa ugu fiican noocyada : Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos.

Khudaarta iyo midhaha ayaa iyana ah mid waxtar weyn u leh dhinac shaqada maskaxada . Waxaana ugu fiican khudrada noocayad Canabka, daba case, Mooska, Canbaha, tufaaxa, tamaandhada iwm.

Maskaxda 80%, waxa ay ka kooban tahay biyo, sidaa awgeed haddii aad biyo badanย  cabto waxa ay dhiirgleinaysa shaqada maskaxda, waxa kale oo ay ka caawinaysa kana hortgeysa in masaxada qaliin lagaga sameeyo.ย  Dhakhtarada cilmi baadhistan sameeyay ayaa ku taliyay in ugu yaraan aad maalintii cabto laba litir oo biyo ah .

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com