Si Wanaagsan Khaladka U Sax!

Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay , wuxuuna kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa. Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan “ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskayga”. Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxii ayay u qaaday waxayna u raacisay fariinta ah “ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badan”.

Sidaasi ayuu ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin. Dhaqanka wanaagsan abuur oo burburiya dhaqanka xun.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com