Imam Qasaali wuxu yidhi : โ Qofka doonaya inuu Allah (sw) ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo sees u ah khayrka iyo sharkaba : Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo calooshaโ.
- Dadkoo dhan wanaag uma samayn kartida laakiin dhibtaada waad ka haysan kartaa.
- Aamuska kuwa awooda leh maaha nacasnimo laakiin waa fursad ay siiyaan kuwa caqli yar.
- Maalku wuxu ka mid yahay risiqa Allah, laakiin waxa jira Risiqa ubadka, Risiqa caafimaadka, Risiqa Barakada. Mana ah risiqu Maal keliya.
- Muhimaduu maaha inaad dadka oo dhan wanaajiso, laakiin xikmadu waa in aanad qof dhibin.
- Faylsuufkii Sokheret markii la dilayay isagoo sii dhimanaya ayuu xikmadan yidhi โ Waxa hoogay ninka caqligiisu uu ka horeeya wakhtiga uu nool yahayโ
- Hamigu waa xanuun badhkii, deganaashuhu waa dawada badhkeed, sabirkuna waa caafimaadka.
- Khilaafka dheeraada wuxu muujinayaa in labada dhinacba khaldan yihiin.
Cidna haka sugin mahadnaq, waxaa kugu filan Abaalka Allah (sw), waxba kaama galin kii ku bakhaylay ama ku xaasiday
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com