- Noqo kan bilaaba wanaaga, dadkana u tudha, damiyana cadaawada.
- Haka xumaan hadalka xun iyo wixii lagaa sheego adiga waxba kuma yeelayaan, kan yidhi ayuu dhib ku hayaa.
- Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada.
- Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan
- Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.
- Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com