Xikmadaha

  • Nolosha waxay ina bartay in shaqada wanaagsani aad uga fiican tahay hadalka wanaagsan ee kaliya.
  • Waxay ina bartay in qofka guusha gaadh yahay kan sabirka iyo dulqaadka bada
  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen kuwo badan qalbiga maydha jidhka intaanad maydhin.
  • Waxay ina bartay in tijaabada badan iyo quusta farqi weyn u dhexeeyo.
  • Waxay ina bartay in markaad qoslayso dunida kula qoslayso, laakiin marka oohinta kulama ooyaan.
  • Waxay noloshu ina bartay in hubka ugu weyn ee qofku yahay sabirka iyo wakhtiga.
  • Waxay ina bartay in qofku jabay marka uu joojiyo dadaalkiisa
  • โ€œWeligaa haku daalin waxa ku dhaafay si aan u murugoon, hana ka baqan mustaqbalka si aanad u fashilmin, iska dhaafa werwerka, farax oo Allah (sw) talo saaro waad guulaysane.โ€
  • Saxaabiga Abuhurayra (rc) wuxu yidhi โ€œ Waxa jira saddex arrimood oo lagu badbaado iyo saddex kale oo lagu halaagsamo.
  • Allah (sw) oo laga cabsado, wanaagga oo aad ka shaqayso iyo inaad noqoto ruux caadil ah waa saddex lagu badbaado.
  • Saddexda halaagaย  ahina waa hawadaada oo raacdo, naftaada oo ku yaab gelisa , iyoย  bakhaylnimida.