Xikmadaha Maanta

  • Shimbirta Laanta jilicsan fuushani ma baqato, maxaa yeelay kuma kalsoona laanta ee balasheeda ayay ku
  • Waxa ugu qaalisani waa inaad naftaada barato.

Muhim Maaha inaad ka xanaaqdo wax dhabarkaaga laga yidhi waayo hortaada lagama odhan karo. Dadka waxa ugu akhlaaq xun munaafaqa iyo beenaalaha

  • Adigoo guuldaraystay hadaad qososho , ogow guusha uma dhadhamayso guulaystaha
  • Haku raacin muuqaalka waayo way ku khaldi karaan, dhaqaalena haku raacin way dhamaan karaan, dooro qof farxad ku siin kara, waayo dhoola cadayn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin.
  • U shaqayso sidii aanay baahidaada oo dhami ahayn lacag, u soco si aan kibir lahan, waxna u bixi si aan istus ku jirin. Barakada cumrigu wuxuu ku jiraa camalka wanaagsan