Xikmadaha Maanta

Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad doonaysid inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.

Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiiu ka horeeyo makaxdxaiis

Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Kan dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.

Iska jir in khalad aad mar gashay maskaxdaada ka bixi waayo , waayo wuxu ka horjoogsanaya inaad dadaal danbe samayso oo cabsi ayuu kugu abuurayaa. Ka qaado cashar ka dibna iska tuur.

Nin dhalinyaro ah ayaa aabihii ku yidhi : “Aabo sideen ku heli karaa gabadh wanaagsan?!.

Aabihii ayaa ugu jawaabay: “ Iska ilow sidaad ku heli lahayd gabadh wanaagsan, ee horta adigu ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qof wanaagasan

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com