- Haddii aynu koox fiican nahay oo garnayno waxa aan qabanayno midkeena wuu ka waxqabad badnaan karaa 10 ka mid ah kuwo kale.
- Tartamahaaga ka baro cashar laakiin ha baran ku dayashada.
- Qofka ka fogaada cabashada iyo calaacalka, farxaduna way usoo dhowaata.
- Way adag tahay in la samro laakiin in la lumiyo abaalmarinta samirka ayaa ka xun.
- Dhibaatooyinka noloshu waxay ku barayaan inaad ogaato awoodada qarsoon.
- Haddii aad cashar ka barato guuldarada hore guushaadu way dhowdahay.
- Si aad hadafkaaga ugu guuleysato waa inaad leedahay naf hurid iyo maskax ku jihaysan.
- Doqonku wuu noqon karaa qof maskax badan hadii uu fahmo inuu doqon yahay, laakiin kan maskax badani wuxu isu bedeli karaa doqon hadii uu rumaysto inuu maskax badan yahay.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com