- Tuugu wuxu ka xadaya alaabta laakiin beenaluhu wuxu ka xadaa Maskaxda
- Cadaanka macanihiisu maaha qurux waayo Kafantuba waa cadaan, Madawga laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagaxa kacbaduba waa madow.
- Qofka quruxdiisa ma aha muuqaalkiisa iyo sida u muuqdo, quruxdiisu waa akhlaaqda
- Hadii codka dheer rag lagu noqon lahaa Eyguna wuxu noqon laha Madax
- Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.
- Ma jeclid in qaladka kaa dhaca in laguu saxo si adag. Adiguna iska jir arinkaasi.
- Waxa badan haku mashquulin fikirka arin dhib kugu haysa, laakiin Allah weydiiso dhenbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa alabaabo aanu fikirku furin.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com