Xikmadda

  • Nebi Nuux (cs) mar keliya ayuu u dhowaaqay xayawaanada oo dhan, way ajiibeen oo doonidii wada koreen, Isagoo 950 sano uu u baaqayay Basharka, oo iyaguna ay diideen oo doorteen halaaga qaraqa. Dareenka fiican ayaa ka wanaagsan quluubta Bugta.
  • Wiilkii uu Dhalay Nebi Nuux (cs) waxa uu go’aansaday in aanu bedelin gaalnimadiisa, isagoo ku soo koray guriga Nebiga daaciga ah ee Nuux (cs), Gabadhii Fircoon waxay go’aansatay inay rumayso Nebi Muuse (cs) iyadoo ku noolayd guriga Daaqiga ugu weyn ee Fircoon ee Ilaahnimada sheegtay.
  • Duruuftu cudurdaar kuuma noqonayso, waa adiga ka dooranaya toosan.
  • Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
  • Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
  • Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad jeceshahay inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.
  • Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiisu ka horeeyo maskaxdiisa
  • Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Ka dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com