Xikmado Iyo Dardaaran!

  • Ha Xumayn qof ku jecel, hana ku odhan qof ku baahan waxaan ahay mashquul. Ha khiyaamayn qof ku Hana ilaabin qofย  ku xusuusan wakhtiga intiisa badan.
  • Caqliga dadku waa saddex nooc , caqliyada waaweyni waxay ka hadlaan fikradaha iyo hal abuurka, Kuwo dhexena waxay ka faaqidaan arrimaha, laakiin caqliyada yaryari waxay faaleeyaan dadka, waana ay dhaleeceeyaan, weligoodana ma sheegaan wanaagooda.
  • Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay imisa sano ayaad Jirtay ? Waxaana uu ku jawaabay Caafimaadkaygu wuu wanaagsan yahay. Mar labaad ayaa la weydiiyay โ€œ Maxaad hanti haysataa โ€œ? Waxaana uu ku jawaabay ma jirto wax dayn ah oo la igu leeyahay. Haddana mar kale ayaa la weydiiyay โ€œ Ma leedahay cadow โ€œ? . Waxaana uu ku jawaabayย  โ€œ Anigu waxaan degenahay oo gurigaygu ku yaalla meel ka fog ehelkayga iyo qaraabadaydaโ€.
  • Nin indha laโ€™ ayaan habeen u baxay in webiga oo u dhow biyo ka soo qaato cabo, isagoo sita Faynuuskiisa oo shidan. Dadkii ayaa weydiiyay maxaad ku falaysaa Faynuuska , ma waxbaad ku arkaysaa? Waxaana uu ku jawaabay , waxaan u qaatay si dadka indhaha qabaa ay ii arkaan oo aanay ii jiidhin.