Akhlaaqda Iyo Dhaqanka Wanaagsan!

Mareegta lagu magacaabo โ€œMakes Me Thinkโ€ ee qoraalka sheekoyinka kooban ay ku soo bandhigaan Mr.Mark iyo Angel ayaa sheekadan lagu soo bandhigay :

โ€œ Markii maanta aan doonayay inaan ku noqdo gurigayga waxaa soo daโ€™ay roob weyn, laakiin waxaan la kulmay nin daโ€™ ah oo sita dalaayad weyn, waxaana aanu noqonay isku jiho anagoo waddo isku mid ahna wada qaadnay, Dalaayadii ayuu iigu yeedhay inaan roobka ka wada galno, aniguna waan aqbalay.

Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu dalaayadii laalaabay, markaasi ayuu igu yidhi โ€œ Aniga waan kan gurigaygii waana aan kaa baydhayaaโ€ , waxaan daremay niyad xumo madaama uu weli roobku daโ€™ayo, laakiin isla markiba waxa uu igu yidhi : โ€ Hoo qaado adigu aniga gurigaygan ayaan gelayaa, hadda baahi iima hayso aniga, waxaana aan u laalaabay si aad u aragto, qaabkeeda haddana kala furato, oo aanay ku dhiibinโ€. Waxaan ugu jawaabay โ€œ Mahadsanidโ€ . Waxa qofka kasta u wanaagsan in uu dareenkiisa naxariista ka shaqaysiiyo wakhtiyada loo baahan yahay.