Fikirkeena Ayaa Abuura Wanaagga Iyo Xumaantaba

Nin maalqabeen ah oo qarnigan nool ayaa la weydiiyay haddii lacagta dunida la ururiyo ka dibna dadka si isku mid ah loogu qaybiyo , ma la helayaa qof sabool ah dunida ?

Maalqabeenkii wuxu ku jawaabay 3 sano gudahood , ninkii maalqabeenka aha wuu sii taajirayaa kii faqiirka ahaana wuxu sii noqonayaa sabool. Waxaana uu ujeeda waa sida ay caqligooda marka horeba uga kala faaโ€™iidaysteen. Maalqabeenku sidii uu hawlaha hore ugu maareyay wuu yaqaan. Faqiirkana isagoon caqliba ka shaqaysiin ayay soo gashay waana sida ay kaga bixi doonto isagoon weli caqli ahaan u toosin. โ€œ Siday kugu soo gasho ayay kaaga baxdaaโ€

Ka faaโ€™iidaysiga maskaxdu waa halka lagu kala duwan yahay ee samaynaysa horumarka ama dibu dhac dal iyo dadba. Inaad sabool tahay maaha in aanad xoolo haysan, maalqabeenkuna maaha kan lacagta hantida badan. Waxa sabool noqonaya qofka garan waaya muhimadda ka faaโ€™iidaysiga maanka.

Waxa wanaagsan in xanuunka saboolnimada caqliga la