Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland waxay tobankii sanadood ee u danbeeyay waxay dedaal aad u weyn gelisay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka faraha badan ee deegaanka soo gaadhay. Waxaana jiray sanadahan danbe tallaabooyin waaweyn oo kala duwan oo ay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland qaaday si loo bad-baadiyo deegaanka, iyo noolaha kale ee ku dul nool ba.
Wasaaradda Deegaanka oo ay hormood u tahay wasiirka wasaaradaasi Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo dhawr iyo tobankii sanadood ee la soo dhaafay iyo ilaa hadda xilka wasaaradaasi soo haysay ayaa u guntatay sidii ay waxqabad muuqda uga samayn lahayd dhibaatadda soo gaadhay deegaanka, ama dhulka, iyo noolaha kaleba.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah tallaabooyinka wax ku oolka ah ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ku tallaabsatay sanadahan danbe. Tallaabooyinka wax ku oolka ah ee guulaystay ee ay wasaaradda Deegaanka JSL fulisay oo dhinacyo kala duwan leh, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dhinacyadda ilaalinta duur joogta, wax ka qabashadda carro-guurka, dhir kobcinta ama dhir beerista, daryeelka, iyo ilaalinta noocyadda kala duwan ee duur joogta.
Wax ka qabashadda jarista dhirta, ama Dhuxulaysiga, ilaalinta deegaanka guud ahaanba gaar ahaana Bacda oo dalka laga mamnuucay in lagu iibiyo, ama in la soo dejiyo. Waxaana dalka dhawaan laga hirgeliyay wershad soo saarta Bacaha carrada la fal galla. Sidoo kale waxaa ka mida barnaamijyadda guulaystay ee ay wasaaradu qaaday dhiraynta magaalooyinka oo ay dawladaha hoose la kaashatay, iyo xarumo ama beerro fara badan oo dhir kumanaan geed ah lagu koriyo in goboladda dalka laga hirgeliyay, iyo Seereyaasha xooluhu daaqaan oo iyagna goboladda intoodda badan laga sameeyay.
Waxa kaloo jira iskaashiyo wada shaqayneed oo ay wasaaradda Deegaanka JSL la gashay haayado kala duwan oo caalami ah, si ay uga taageeraan ama uga gacan siiyaan wax ka qabashadda dhibaatadda soo gaadhay deegaanka.
WAX KA QABASHADDA DHUXULAYSIGA: Waxqabadyadda la taaban karro ee muuqda ee ay wasaaradda Deegaanka JSL wax ka qabatay waxaa ka mid ah Dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta qoyan, taasoo ka mid ah aafooyinka aadka u waaweyn ee ay dadku u gaysteen deegaanka.
Si wax looga qabto dhibaatadda Dhuxulaysiga ayaa wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL waxay samaysay barnaamijyo dhawr ah oo wax lagaga qabanayo arrintaasi, kuwaasoo ay ka mid tahay in dadka Dhuxulaysatadda ah ee dhirta dhulka baadiyaha ah ka soo jarro in qofkii lagu arko tallaabooyin sharci ah laga qaado.
Iyadoona ay wasaaradu hawl-gallo joogto ah oo Dhuxulaysiga wax lagaga qabanayo ka fulisay dhulka miyiga ah, isla markaana dadka Dhuxulaysatadda ah haddii lagu qabto iyagoo falalkaasi gacanta kula jira in la soo qabto oo la xidho sharcigana la hor geeyo. Arrintaasi oo ay wasaaradu si xidhiidh ah sanado badan u soo waday ayaa hadda waxaa muuqata in la xakameeyay, ama ay hoos u dhacday Dhuxulaysigii xadhkaha goostay oo si arxan darro ah loogu gumaaday dhir aadnu fara badan oo qiimo iyo waxtar ba u lahaa dalka, dadka, iyo duunyadaba.
Sidoo kale tallaabooyinka wax lagaga qabanayo Dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta waxaa ka mid ah in wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda ay diyaarisay, isla markaana fulisay barnaamijyo hoos loogu dhigayo dhibaatadaasi sida in dalka la keeno waxyqaabo bulshadda loogu bedelayo isticmaalkii Dhuxusha.
Waxaanay wasaaradu diyaarisay in shirkadaha dalka keena ee wadamadda dibadda ka soo waaridda Gaasta cuntadda lagu karsado in la badhi taarro ama la taageero, sida in cashuur-dhaaf loo sameeyay marka ay dekadda ka soo dejinayaan haamaha Gaasta wax lagu karsado soo dejiya. Arrintaasi ayaana noqotay mid si weyn wax uga bedeshay gumaadkii lagu hayay dhirta qoyan, iyo kuwa qiimaha u leh dalka, iyo duunyadaba, iyadoona ay tallaabadaasi so weyn hoos ugu dhigtay joojinta Dhuxusha.
Sidoo kale waxay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku guulaysatay in ay bulshadda fahamsiiso sida ugu faa’iido badan tahay gaasta wax lagu karsadaa isticmaalkii Dhuxusha, dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, nadaafad ahaan, iyo meello kaleba. Arrinta ugu muhiimsan ee ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku tallaabsatay ee wax lagaga qabanayo Dhuxulaysiga waxaan ka soo qaadan karnaa in dhawaan dalka laga hirgeliyay wershad geedka Garan-waaga ka samaynaysa dhuxul la shidan karo, taasoo ay ganacsato muwaadiniin ahi leeyihiin.
Wershadaasi ayaana geedka Garan-waaga oo sodonkii sanadood u danbeeyay dalkeena aad u qabsadaya ama uga baxay waxay ka samaynaysaa dhuxul lagaga maarmi karo in la jaro ama dhuxul laga dhigo geedihii kale ee manaafacaadka lahaa. Waxaana loo arkaa in wershadaasi Garan-waaga dhuxusha ka samaynaysaa ay sababtay in la bad-baadiyo dhirtii manaafacaadka lahaa ee dalkeenna, isla markaana ay bulshadu helaan dhuxul kale oo laga shiday geedkan aan haba yaraatee wqx faa’iido ah dalka, iyo dadkaba u lahayn.
Qaybta labaad ee qormadeena DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa dhibaatooyinka ka soo kordhayay ugaadhsiga iyo ka ganacsiga sharci darradda ah ee noocyadda kala duwan ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka oo la aaminsan yahay inuu dunidda ka sii dabar-go’ayo.Waxaana sanad kasta xeebaha Somaliland laga dhoofiyaa tiro aad u badan oo noocyo kala duwan oo duur joog ah oo loo iib geeyo wadamadda Khaliijka Carrabta, kuwaasoo laga soo ugaadhsado wadamadda la deriska ah.
Harimacadka oo la aaminsan yahay inuu dunidda ka sii dabar-go’ayo waxaa xeebaha Somaliland si qarsoodi ah uga tahriibiya shebekaddo isku xidhan ilaa duurka laga soo qabanayo ee Itoobiya, xeebaha Somaliland iyo ilaa wamadda Carrabta.
“Sannad kasta tiro badan oo dhasha Harimacadka ah ayaa laga tahriibiyaa Somaliland oo la geeyaa waddamada Khaliijka Carrabta si loogu iibiyo hantiileyaal iibsada xayawaanka rabaayadda ah.
Iibinta Harimacadku ganacsi ahaan xuduudaha caalamiga ah waa mamnuuc wixii ka danbeeyay tan iyo sanadkii 1975kii, sidaas darteed na tani waxay xad gudub ku tahay xeerarka caalamiga ah”.
Sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay baahisay idaacadaa iyo raadiyaha dalka jamhuuriyadda Czech, bishii August ee sanadkan 2021-ka. Warbixintaasi oo ay diyaariyeen khubaro u dhashay dalka Czech oo gacan ka geysanaya sidii loola dagaallami lahaa ka ganacsiga Harimacadka sharci darrada ah ee gobolka Geeska Afrika.
Si dhibaatadaasi wax looga qabto ayaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay waxay si weyn uga hawl gashay sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Iyadoo kaashanaysa haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya la dagaalanka iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo ay ka mid tahay CCF, iyo sidoo kale dawladaha jaarka la ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Ethiopia, iyo Yemen.
Somaliland waa mamnuuc ka ganacsiga iyo dhoofinta, iyo haysashadda shaqsiyaadka ee duur joogta noocyadda kala duwan, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee Xeer Lr. 69/2018.
“Xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee Xeer Lr. 69/2018, wuxuu dhigayaa in ay mamnuuc tahay ka ganacsiga, iyo dhoofinta, iyo in la haysto duur joogta noocyadeedda kala duwan” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo arrintaasi ka hadashay.
In Somaliland ay marin u noqoto ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka waxaa sababay iyadoo leh xeebteed aad u dheer oo ay la wadaagto wadamadda Carrabta.
Waxaana inta badan Harimacadka iyo Libaaxyadda laga dhoofiyo xeebaha Somaliland ee loo iib geeyo wadamadda Carrabta laga soo qabsadda iyagoo dhallo ah dhulka hadka iyo buurraleyda ee dalka Itoobiya.
Waxaanay Somaliland hawl galadaasi ay iskaashi kala samayso wasaaradda deegaanku dawladaha jaarka iyo haayadaha calamiga ah iyo ururadda ee ka shaqeeya la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.
“Somaliland waxaan iskaashi la leenahay dhakhaatiir reer Czech ah oo ka socda ururka Vets ee aan Xudduudda lahayn kuwaas oo tabarucayaal u dira Sanduuqa Ilaalinta Cheetah Conservation fund” ayaa lagu yidhi warbixin uu sanadkan diyaariyay Mr. Tomáš Maule, oo ka tirsan khubaradda Czech.
Hawl galadda ay wasaaradda deegaanka Somaliland ku waxaa ka qayb qaata ciidamadda booliska, maamuladda goboladda iyo degmooyinka, ciidaddamadda Badda, iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee goboladda dalka uga wakiilka ah.
Waxaana jirta in dad badan iyo gaadiidkii ay wateen oo lagu soo qabtay iyagoo Farraha kula jira hawlaha ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta in maxkamadaha la horgeeyay, isla markaana xukunno lagu riday.
Geesta kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay hadda gacanta ku haysaa ilaa laba xarumood oo loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo noocyadda kala duwan ee duur joogta ay gacanta ku hayso.
Kuwaasoo ay ka mid yihiin beerta xanaanaynta duur joogta ee Debis oo ku taalla degmadda Cadaadley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, taasoo imika meel gebo gebo ah maraysa, kadib muddo ay ka socotay hawlo loogu diyaarinayo sidii xayawaankaasi loogu xanaanayn lahaa.
Sidoo kale waxaa jirta beer kaloo loogu tallo galay xanaanaynta xayawaanka oo laga hirgeliyay deegaanka Geed-deeble ee woqooyiga magaaladda Hargaysa, goobahaasi oo la qorsheeyay in la geeyo boqolaal duur joog ah oo ay ku jiraan ilaa 73 Harimacadyo ah oo hadda lagu xanaaneeyo meello ku yaalla gudaha caasimadda Hargaysa.
Noocyaddaasi kala duwan ee duur joogta ah ayaa qaarkoodna ay ciidamadda amaanku soo qabteen iyadoo si sharci darro ah dalka looga dhoofinayo, halka qaarkoodna ay wasaaradda deegaanku kala soo wareegtay dad shacab ah oo hudheeladda iyo guryahoodda ku haystay.
Dhinaca kale shirarka ugu muhiimsanaa ee ku saabsanaa la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka ee heerka caalami ama heerka gobol ahaa ee Somaliland qaybta ka ahayd waxaa ugu danbeeyay shir 19-kii bishii September ee sanadkan 2021-ka lagu qabtay magaaladda Hargaysa.Sidoo kale shirarka arrintaasi la xidhiidha waxaa ka mid ahaa shir ku saabsanaa oo sanadka wada tashiga Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiye ee ka hor taga dhoofinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo magaaladda Jigjiga ka qabsoomay 9-kii ilaa 11-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ee dawladda Somaliland ka haysata xanaanaynta duur joogta ay gacanta ku hayso ayaa ah dhinaca dhaqaalaha ee daryeelka Harimacadka iyo xayawaanka kale ee Hilib cunka ah ee ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso oo todobaad walba u baahan Hilib ay cunaan.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com