Maxay yihiin waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj?

Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.

Waxaa la saadaalinayaa inay bishan bilaabato maalinta Isniinta, 20 June 2023.

Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.

Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu sheegay in aanay jirin maalmo kale oo camalka suuban uu Alle agtiisa kaga qiimo badan yahay tobankaas maalmood.

Inta lagu jiro Dul-Xaj, malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa isugu yimaada magaalada barakeysan ee Maka si ay u gutaan acmaasha Xajka. Sida in xujaydu ay ku wareegaan Kacbada, istaagga Carafa, iyo in ay dhagxaan ku tuuran Shaydaanka.

Xataa kuwa aan xajka gudanayn, bisha Dhul-Xaj waxaa ay siineysaa fursado badan oo ay kula yimaadaan acmaal aad u qiimo badan oo Alle loogu dhawaado.

Qaar kamid ah wax yaabaha ay muslimiinta sameeyaan bisha Dul-Xaj

Muslimiin badan ayaa sooma maalinta sagaalaad ee bishan oo loo yaqaan maalinta Carafo. Waxaa intaa dheer in inta tobankan maalmood lagu guda jiro ay Muslimiinta sameeyan sadaqada oo dadka masaakiinta ah la siiyo, qur’aan akhris, salaad iyo in Alle dambi dhaaf la waydiisto.

Cibaadooyinkaas waxaa barbar socda, in sidoo kale bisha Dul-Xaj ay Muslimiinta u dabaal degaaan munaasibadda Ciidul-Adxa, oo sidoo kale loo yaqaanno Ciidda Udxiyada.

Munaasabaddan oo ah mid farxadeed ayaa la xusayaa maalinta 10-aad ee bisha Dul-Xaj, waxaana ay tahay mid lagu soo afmeerayo gudashada waajibaadka xajka.

Muslimiintu waxay isugu yimaadaan goobaha fagaarayaasha si ay utukadaan saaladda labada rakacadood ah ee maalintaas la tukado, waxay is dhaafsadaan salaamo iyo haddiyado, waxay farxadda ciidda la qeybsadaan kuwa ay jecel yihiin, waxayna sameeyaan falal kobcinaya midnimada iyo naxariista bulshada dhexdeeda.

Sidookale bishan waxay dadka Muslimiinta ah sameeyaan camal si gaar ah muhiimad weyn ugu leh kaasi oo ah bixinta Qurbaaniga ama Udxiyada. Tani waxa ay tilmaamaysaa in neefka loo sadqeeyo si Alle loogu addeeco iyo xuska rabitaankii Nebi Ibraahim NKH ee ahaa in uu Alla bari u bixiyo wiilkiisa Ismaaciil.

Hilibka neefka la gowracay ayaa markaas loo qaybiyaa dadka tabaalaysan, iyadoo xoogga la saarayo qiimaha ay leedahay sadaqada, deeqsinimada, iyo caawinta kuwa danta yar.

Maxaa ka reebban Muslimiinta?

Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo kamid ah culimada Kenya ayaa BBC Somali uga waramay waxyaabaha reebban, inta lagu jiro bisha Dul-Xaj, ama falalka ay tahay in muslimiintu ka fogaadaan.

Waxaana ka mid ah:

1.Soonka Maalinta Ciida: Muslimiinta waa in ay ka waantoobaan soonka maalinta Ciidda, maaddaama ay tahay maalin ciid oo Muslimiinta u dabaaldegayaan farxadda ciidda, ayuu yiri.

2. Muranka iyo isqabqabsiga: Muslimiinta waa in ay ku dadaalaan ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bishan barakaysan. In muran iyo isqabqabsi la galo waxay lid ku tahay midnimada iyo walaaltinimada.

3.Cibaadada oo la dayaco: Bisha Dhul-Xaj waa xilli cibaadada Alle la badiyo. Muslimiintu waa inaysan dayacin cibaadadooda joogtada ah, sida salaadaha, akhrinta Qur’aanka iyo ducada.

4. Ku xad-gudubka Xurmada Xajka: Qofka xajka gudanaya waxaa lama huraan ah in uu dhowro axkaamta iyo awaamiirta u degsan xujeyda. Tan waxaa ka mid ah ka fogaanshaha wax kasta oo laga mamnuucay goobaha xurmada leh.

5In laga ugaarsado goobaha Xaramka (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Waxaa reebban in Muslimiinta ay ka ugaarsadaan ama dilaan dhammaan xoolaha kunool gudaha xudduudaha Xaramka ama agagaarka Kacbada Makkah. “Kuwa xaqa rumeeyow, ha ku xadgudbina cibaadada Eebbe” (Quran 5: 2).

6Timaha oo la xiiro ama ciddiyaha oo la jaro: Dadka Muslimiinta ayaa lagu talinayaa in la daahiyo xiiridda timaha ama jaridda ciddiyaha inta lagu jiro tobanka maalmood ee ugu horreeya ee bisha Dul-Xaj. Taasna waxaa loo cuskaday xadiiska Nebi Muxamed (NNKH) uu ku yiri yiri: “Markaad aragtaan bisha Dul-Xaj, haddii midkiin rabo inuu udxiyo bixiyo, ha joojiyo xiirida timaha iyo jarida cidiyaha ilaa uu ka bixinayo udxiyada.”

sawir tusaale ah qof cidiyah iska jarayo

7Timaha oo la xiiro/Ciddiyaha oo la jaro (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Qofka doonaya inuu Xajka soo guto waxaa si adag uga mamnuuc ah inuu timaha iska xiiro ama uu iska gooyo ciddiyaha ka dib marka uu galo Ixraamka (xaalka xajka) ilaa ay ka dhammaysanayaan cibaadada Xajka.

8.Qofka xajinaya waxaa ka reebban inuu is udgiyo ama uu marsado waxyaabaha dadka udgiyo (Cadarka).

Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu dambeyn sheegay in ilaalinta hab-raacyadan ay gacan ka geysanayaan in ruuxa Muslimka ah uu si wanaagsan uga faa’ideysto bisha Dul-Xij aadna ugu dhawaado Alle.

Xigasho:BBC SOMALI

Bandhige@gmail.com