Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa maanta Safar shaqo ku tagay magaalada Borama ee gobolka Awdal….

Wafigan oo ka koobnaa agaasimahayaasha Qorsheynta, Caafimaadka iyo arrinaha bulshada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,xubno kamid ah xafiiska Hargaysa ee Dawladda UK. Iyo xubno katirsan laanta horumarinta dawladda UK ee FCDO qaybteeda Nairobi, Hay’adaha UNICEF iyo Save the children ayaa ujeedka Safarkoodu ahaa kormeerka goobaha uu ka socdo Mashruuca better lives ee ay Maalgaliso dawladda Ingiriisku ee gobolka Awdal.

ugu horayn waxaa waftiga kusoo dhaweeyay gobolka Awdal Isuduwaha Caafimaadka gobolka Awdal, Dr.Maxamed Cabdi Axmed, iyagoo waftigu kulan balaadhan la qaatay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Dagamada Borama, intaa kadib waftiga ayaa kormeer ugu kicitimay qaar ka mid ah xarumaha Caafimaadka ee dagmada Borama, si ay ugu kuurgalaan habsami u socodka goobaha uu mashruucani ka socdo iyo waxyaabaha uu ka badalay adeegi Caafimaadka.

Mashruucan better live ayaa taageera bixinta adeegga caafimaadka aasaasiga ah sigaar haweenka iyo dhallaanka.

 

 

 

Xigasho:Wasaarada Horumarinta Cafimaadka JSL

Bandhige@gmail.com