Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Dr Axmed Yusuf Idiris Tayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Maaliyadda Adduunka (IFC) oo ay hoggaaminaysay Miss Kalton Hassan iyo masuuliyiin kale……

Kulanka ayaa intii uu socday waxa lagaga wada-hadlay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknaloojiyada Somaliland iyo hay’adda (IFC)

Dhanka kale Weftigu waxa ay booqdeen xaruunta Hal-abuurka Somaliland (SIZ) oo ay asaastay Wasaaradda ICT-ga, waxaanay wasaaradda ku bogaadiyeen sida wanaagsan ee ay uga hawl-gashay dedaalna u galisay kobcinta hal-abuurka tiknaloojiyada Somaliland.

Kulanka ayaa kusoo gababoobay in ay

Labada dhinac ay iska kaashadaan dhammaan dhinacyada teknoolojiyadda, la-talinta siyaasadda, iyo kobcinta awoodda.

Xigasho:Somaliland news agency

Bandhige@gmail.com