Kormeerka Shaqo ee Xarumaha Caafimaadka Gobolka Saaxil

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan qormadeena koowaad waxa aynu ku eegi doonaa isu’duwaha caafimaadka gobolka Saaxil oo kormeer ku gaalaabixiyay dhammaan xarumaha caafimaad ee gobolka.

Kormeerkan hogaanka caafimaadka gobolka Saaxil ayaa daarnaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen hawlaha shaqo ee xarumaha caafimaadka goblka Saaxil iyo caqabadaha ka jira, si loo helo adeeg hufan oo ay bulshadu u riyaaqaan.

Qormadeena koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka waxa aynu diirada ku saari doonaa kormeerkan iyo waxyaabaha looga gole leeyahay.

Haddaba Isu’duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse ayaa kor meer balaadhan kusoo maray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka Gobolka Togdheer.

Isu’duwaha ayaa ka bilaabay kor meerkiisa xarumaha caafimaadka ee kala ah, Ismaaciil xuseen, Qabrigorod,Harada, Duruqsi, Cali Ciise, Riyo-xidho iyo Waraabeeye.

Isu’duwaha ayaa gaadhsiiyay daawooyin iyo agab caafimaad oo ay wasaaradu ugu talo gashay in loogu adeego bukaanka kala duwan ee deegaamadaas ku nool.

Sidoo kale wuxuu isu’duwuhu kala warreegay Gaadhi nooca gurmadka degdega ah (Ambulance) cusub xildhibaan Maxamuud Axmed Shimbir, oo loogu talo galay inuu u adeego degmada Riyo-xidho, sidoo kale Isuduwaha ayaa dayactir iyo hagaajin ku sameeyey (Ambulance) ka duruqsi oo in mudo ah ciladaysnaa isla maanta goobtii shaqada ka hawlgalay.

 

 

Xigasho :wargeyska dawan Bandhige@gmail.com