Noocyada Qorayaasha/Sannadahan iyo Qoraagga Somaliland (Q1aad)

 

Khadka Qallinka ku Jira waa la fasaxey wuxuuna u socdaa si xor ah.Dad badan waxa farxad gelisaa in ay  wax qorraan amma u qorraan kuwo aan waxba qori karin oo ku farxaaya marka wax loo qoro.Maxaa Yeellay Qorraalku wuxuu qorraaga u furaa indhaha,halka bulshadda Akhristayaasha ahna uu Maskaxda u furo.

Qorraalka waxyaabo badan oo kala duwan ayaa ku sabbaba Dadyowga sidda in ay Fikraddahooda iyo Aragtiyaha ay qabaan ku xardhaan waraaqo iyo buuggaag,kuwaasi oo aragtiyahoodii u beddela erayo la akhristo.Marar badan Qorraagu wuxuu ku nafisaa oo Xasillooni ka doontaa Dhankaa iyo wax Qorrida,Dad badan shucuurtoodda xooggan ayey ku cabbiraan qorraalka oo ah waxa ay ku soo gudbiyaan,Kuwo badan in ay dadka wax ugu sharaxaan si loo fahmo ayaa qorraaladda badan ugu wacan,halka dhanka kalena xaaladdo badan oo kala duwan lagu qiimeeyo.Qorraalku dad badan wuxuu u yahay hab wax lagu wadaago,amma lagula xidhiidho dadyow aad kala durugsan tihiin.

Qorraagu waa Qof Wax Dadka Dhibaato ula Eeg Dhan kale uga iftiimin karra Waxtarka ku Jira,Waana qof Fursaddo badan oo wax laga qorri karro inta badan ka dhex raadinaya nolosha socota ee Maalin kasta.waa Qof dadyow badan oo aan laheyn hibo Qorraal, u soo saaraya una Alifayaa waxa ay Akhristaan oo ay maskaxddooda ku Koriyaan .Qorraagu waa Shakhsi Maskaxdiisa Rayiyo,afkaaro iyo Fikrado badan ay ku dhex loollamayaan kuna dhex qarxayaan sida miinada maalin kasta,waa Qof shucuurtiisa iyo dareenadiisu hadba dhan u leexinayaan,waa Mid ku dhex dawakhsan nolol isbeddel badan oo wax kasta halkii horre aanu joogeyn Muddo badan,waana qof soo saarista aragtiyaha qaarkood ka cabsi qaba arrimo badan oo jira awgeed.

Qorraayadda waxa qallinkooda kala sooca xaalladaha iyo badweynta aqooneed amma mawduucyada ay xushaan ee ay wax ka qorraan,Arrimahaasi oo abuura in noocyo badan oo kala duwan oo bahda qorraayadda ahi ay sameysmaan,Ujeeddooyinka qorraalka  laga leeyahay iyo arrimaha  aan muuqan isla marrkaasina dabadda ka riixaya wax qorrida qorraaga ayaa iyaguna qorraaga koox uu ku abtirsado ku darra. Haddaba Halkani waxa aan ku soo qaaddan doonna noocyo ka mid ah qorraayadda Jira.

Waxa Jira dad badan oo wax qorra Keliya Marka aragti,fikrad iyo Mala-awaal wax uga dhex sawirmaan Maskaxddooda ku soo Dhacdo,Kooxdani Maaha qorraayo rasmi ah,waase Dad marka ay aragti hellaan jecel in ay ficil u beddelaan isla markaasina ay qorraan.Qolladani Af-ka qalaad  waxa lagu yidhaahdaa (impulsive Writters ).Hab qorraalkani Wuxuu qorraaga ku Dhashaa iyadda oo aanu qorshe wax qorrid horre jirin,Aqoon wax qoris iyo Xirfad toona aanu u laheyn Hab qoraalka quman ee qorraalka.xil iskama saaran mana illaaliyaan xeerarka qorraalka. .Fikraddo,iyo aragti  markaasi uun maskaxdiisa culeys ku heya Ayuu rabbaa in uu is dhaafiyo dadkana la wadaago,Qorraagaasi Aqoon badan uma laha habka curinta qorraal tolmoon,Naxwaha iyo isku xidhka qoraalladana masuuuliyadd  iskama saarro,Waxa ay keliya Qorraan wax maskaxddooda ku soo dhacay kuwaasi oo aan xidhiidhinta  tafatiridda, qorraalka iyo farta qorrista soomaaligaba  intaba muhiim aan u arkeynin.Waxaana marar badan ku sabbaba in ay wax qorraan iyaga oo ka shakisan in ay illaawaan aragtiyaha ay markaasi ka fekirayaan oo ay rabaan in ay xafiddaan qorraalkan ku keydiyaan.

Kooxda labaad ee Qorraayadda ahi waa kuwo joogteeya Wax qorrida isla markaasina caaddo ka dhigta si maalinle ah in ay wax u  qorraan.Qorraayadani waxa ay sameystaan jadwal qorraal joogto ah iyaga oo qorraalka ka dhigganaya mid noloshooda ka mid ah.Wakhti wax Akhris iyo qorrid ayaana si joogto ah ugu jira maalin kasta wax qabadkooda amma hawl maalmeedkooda joogtada ah.wax badan ayey qorraan sidda Hawl-shaqeedkooda maalinlaha ah,Xasuusaha qorraalka  u baahan,aragtiyaha dhiirigelinta ah,Maqaallada iyo xasuusaha waayo aragnimada adduunka laga helo, sida Dhacdooyinka ay ku soo arkaan socdaalladda iwm.Joogteynta qorraladdaasi muddada dheer ayaanna dad badan ugu danbeyn u fududeeya noqoshada qorraa buuxa.kooxdani waxa ay sameystaa Wakhtiyo joogto ah oo wax qorrid,waa kuwo meel hoose iyo waxyaabo yar yar ka soo billaaba qorraalka,waxaana ay diyaarsadaan meelo  qorsheysan u gaar ah oo ay tagaan marka ay wax qorayaan kuna haboon curinta qorraalka iyo deganaanshaha maskaxda,ugu danbeyntiina kama fekiraan in ay noqdaan kuwo qorraalkoodu deg deg u  noqdo mid heersare ah ama Saameyn leh,waa kuwo dib isu saxa,dib u akhriya,tafatiridna ku sameeya wixii ay qorreen oo dedaal iyo barasho aan joogsi laheyn ugu jira Hab qorraalka quman.qorrayadana waxa af-ka Luqada Ingiriisaga lagu dhahaa ( habit-driven writers ).

La soco……………….

Abdifatah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com