Ma jiraan cuntooyin dhididka ka dhiga mid caraf leh?

Iyadoo ay jirto cilmi baadhis yar oo lagu sameeyay cuntooyinka ka dhigi kara dhididkaaga mid leh ur la aqbali karo, cilmi-baadhisyada qaar ayaa muujinaya cuntooyinka u horseedi kara dhidid leh caraf ama ur ‘soo jiidasho leh’.

Mid ka mid ah tijaabadan ayaa lagu sameeyay Jaamacadda Macquarie ee dalka Australia. 43 ka mid ah ka qaybgalayaasha ragga ah ayaa la waydiistay inay ku qubaystaan biyo kaliya oo (aan la oggolayn waxyaabaha jidhka lagu carfiyo) ka hor inta aanay xidhan funaanado suuf laga sameeyay. 48 saacadood ayay funaanadaha xidhnaayeen. Mudadaas oo ay ku jirtay hal saac oo jimicsi ah oo qanjidhada dhididka ka dhigaya kuwo firfircoon.

Funaanadaha ayaa markaa loo gudbiyay si loo falanqeeyo. Maxay natiijadu noqotay? Ragga cunay midhaha iyo khudaarta badan ayaa yeeshay caraf fiican, yacni, ubax badan, midho, macaan iyo udgoon.

Kuwa cunay baruur, hilib, ukun iyo tofu ayaa sidoo kale si fiican u urayay. Si kastaba ha ahaatee, kuwa qaatay cuntooyinka ay ku jiraan karbohaydrayt sare ayaa la sheegay inay leeyihiin urta dhididka oo ka xoog badan kuwa aan cunin.

 

waxaa ku lug lahaa 17 nin oo la siiyay cunto qani ku ah hilibka ama cunto aan hilib lahayn. Laba toddobaad ka dib, muunado dhidid ah ayaa la qaaday. Bil ka dib, tijaabada ayaa lagu soo celiyay, iyada oo dhammaan ka qaybgalayaasha la siiyay cunto ka duwan trii hore.