Xarun Caafimaad oo Dabooli Doonta Baahidii Degaanka Geel-loo-kor oo la Daahfuray

Xubinteena koobaad ee Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona xarun caafimaad oo dowladda hoose ee degmada Berbera ay ka hirgelisay tuulada Geel-loo-kor.

Xaruntan caafimaad ee laga hirgeliyay degmada Geel-loo-kor ee degmada Berbera, ayay baahi weyn u qabeen bulshada degaanku, waxaanay xaruntani meesha ka saari doona xaaladii adeeg la’aanta caafimaad ee ka jirtay tuulada Geel-loo-kor iyo degaanada hoos yimaada.

Munaasibad loo sameeyay daahfurka xaruntani waxa ka soo qayb galay, guddoomiyaha gobolka Saaxil, isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil, duqa degmada Berbera iyo bulshada degaanka Geel-loo-kor, masuuliyiintaas oo khudbado kala duwan madasha xadhig jarka ka jeediyay ayaa ku dheeraday ahmiyada xaruntan caafimaad sida ay wax weyn uga tari doonto adeeg bixinta caafimaad ee degaankan iyo degaanada kale ee ku teedsan.

Isuduwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil, ayaa uga mahadceliyay dowladda hoose ee degmada Berbera, waxaanu ku boggaadiyay sida ay markasta dadaalka ugu jirta horumarinta adeegyada bulshada.

Geesta kale duqa degmada Berbera ayaa ka waramay sida ay uga go’antahay in bulshada reer Berbera ay helaan adeegyo caafimaadka oo dhamaystiran.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa dowladda hoose ee degmada Berbera ku ammaanay xarunta caafimaad ee ay ku dhiiradeen inay ka hirgeliyaan degaan siweyn looga baahna, waxaanu bulshada degaanka faray inay ilaashadaan.

Gaba-gabadii bulshada degaanka ayaa aad u soo dhaweeyay hirgelinta xaruntan caafimaad waxaaney sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana ay hadda kaga bixi doonaan baahidii ay u qabeen helitaanka goob bixisa adeegyada caafimaadka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com