Dawladda Itoobiya oo si Adag u Difaacday Sharciyadda Heshiiska Is-faham ee ay la Galeen Jamhuuriyadda Somaliland..W/Q:(Cumar Maxamed Faarax)

Machadka Xeerarka Federaalka iyo Caddaaladda Itoobiya, ayaa shaaciyay in is-fahamkii ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu waafaqsan yahay xeerarka wadciga ah iyo kuwa caalamiga ah ee adduunka.

Sidaasna waxa daabacday Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, waxana machadku shalay ku qabtay aqoon isweydaarsi la xidhiidha heshiiskaas is-faham oo ay iskugu yimaadeen wakiillo ka socday Wasaaradaha Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Baarlamaanka Itoobiya iyo machadyada sharciga ee dalkaas.

Raysal-wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa 1dii bishii January 2024, kala saxeexday heshiis is faham oo taariikhiya.

Iskaashiga is-faham Somaliland iyo Itoobiya waxa loogu talo-galay inuu qaabeeyo wax wada qabsiga labada dal.

Danjire Degife Bula oo ah Agaasimaha Guud ee machadka xeerarka Federaalka iyo Caddaaladda, ayaa hadal uu ka jeediyay aqoon isweydaarsigaas, wuxuu ku sheegay in qorsha badda Itoobiya uu ku wajahan yahay sharciyad iyo wax is-dhaafsi.

“Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha iyo cilaaqaadka labada dal,” ayuu yidhi Degife Bula.

Agaasimaha Guud machadkaasi wuxuu intaas ku daray walaaca ka soo yeedhay dhinacyo ka baxsan labada geesood ee heshiiska galay, ay yihiin qaar liddi ku ah shuruucda caalamiga ah, maadaama oo Itoobiya qorshaheeda baddu uu la xidhiidho nabadgelyo iyo iskaashi dhaqaale ee labada dal.

“Heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland waa mid sharci ah, isla markaana waafaqsan shuruucda caalamiga ah,” ayuu yidhi danjire Degife Bula.

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Bandhige@gmail.com