๐๐š๐ฅ ๐ฎ ๐…๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐จ! ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’Š๐’ˆ ๐’ƒ๐’‚๐’™๐’‚ ๐’…๐’†๐’†๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ (WQ: Dr. Cabdikariim Daahir Xasan)

Wali ma tagtay xabaalaha hareeraha magaalda ee aynu maalin kasta dhowr qof oo lajeclaa kaga nimaadno. Marka laga tago in ay degdeg u buuxsamayaan oo geeridu inta aynu dareensanahay ka badan tahay, maxaa kale ee ishaadu qabataa? Deegaanka ma u fiirsataa? Dhirta ma ixtiraamno oo faa’iido u leh qofkaa maydka ah ee ehelkeen ah ee aynu gurigiisii rasmiga ahaa u gelbinayn. Xabaasha markaa howsheeda lagu jiro ha joogtee kuwii hore usii deganaa looma dhibirsanaado.

Waxa aniga markasta i damqa caaga aynu xabaalaha kaga nimaadno? Shantii qof ee la aasoba ugu yaraan shan boqol oo caaqadood ayaa lagaga dul yimaadaa xabaalaha. Isla judha aad deyrka xabaalaha gasho waxa ishaadu ku dhacdaa waa caagad uun. Waxaynu garan waynay bal shaqinkiina uun kasii qaada meytida oo basriya. Ma ogtahay in caagu yahay shayga koobaad ee wasaskheeya ciidda iyo deegaanka. Caagada sharaabka lagu cabo ee laga sameeyay maadada ๐‘ท๐’๐’๐’š๐’†๐’•๐’‰๐’š๐’๐’†๐’๐’† ๐’•๐’†๐’“๐’†๐’‘๐’‰๐’•๐’‰๐’‚๐’๐’‚๐’•๐’† (๐‘ท๐‘ฌ๐‘ท) waxay qaadataa 450 sano si ay u burburto (decompose) oo deegaanka ula midowdo. Bacaha lagu adeegto waxay ku decompose garoobaan 15-20 sanadood. Xafaayadaha caruurta loo xidho waxay qaataan 550 sano si ay dabiici ahaan ugu burburaan, hadii kale waa in tamar iyo tiknoolajiyad dheeraad ah lagu burburiyo taasina lacag ayay u baahan tahay. Maxaad u malayn furaashyada, quraarada, ilaa afsaabka aynu beryahan aadka u adeegsano. Waa mushkilad waxyeeladeedu mudo dheer soconayso, jiilal badanna saamaynaysa.

Ukaalay dariiqyada magaaladeena. Siday kuula muuqdaan? qof dhalin yaro ah oo aad u xaragoonaya babuur aad u qaali ahna wata ayaa daaqada beersoosha madaw lagu qariyay intuu waxyar hoos udejiyo caagad ku tuuraya badhtanka magaalada. Muuqaalkaas siduu kuula muuqdaa? maxaadse dareentaa marka aad aragto? Kadaa lama odhan karo, hadiiba’se aad ismiidaamiso oo aad ku dhiirato in aad maxaad sidaa u yeeshay ku tidhaa. isagoo cadhaysan ayuu ku odhanayaa maxay meel lagu tiro u samayn waayeen? ayo dee. hadiiba kuwaa aad sheegaysaa samayn waayeen, adigu maxaad dariiqa ugu saaloonaysaa!! Waa dhalin yaradii isbedel doonka ahayde bal hadda dhugo!! waa kuwa hadh iyo habeen wadanka ka dardaar warinaya.

Warshadaha ugu badan ee wadanka ka shaqeeya waa kuwa caaga, sonkorta xad-dhaafka ah, iyo macdanaha aan isu miisaanayn inagu quudiya. xattaa wax soo saarka in aynu meel qaldan ka bilownay ayay daliil u yihiin. Shirkadahaasi mas’uuliyad deegaan isma saaraan -cid ku dhiiran kartaana marjirto oo waynu ognahay- mid caafimaadka dadka ahna haba sheegin. Bucshuradaha aynu soo dhoofsano ee inteena ladani gadataana waxay ku cabbaysan tahay caag iyo quraarad. Waxaaba laga yaabaa in qaareen u arkaan wakhti lumis iyo faakahaysi in mowduucan laga hadlo.

Maxaa talo ah? waan bogaadinayaa in dowlada hoose meelo qashinka lagu rido ay magaalada ka bilowday. Waxaan leeyahay fadlan sii wada, siina kordhiya. Dowladnimada waxba kama soo hadhaan, dhinac kasta oo aynu eegno kaalintii dowladu ku lahayd nolosha dadku way maqan tahay. Inta dowlad daryeelka dadka u diran aynu heleyno, dadku waa in ay mustaqbalka deegaankooda oo ka ubadkooduna ku xidhan yahay, u baraarugaan. Adiga iyo anigu aan iska bilowno oo ugu horeynba milyanka caagadood ee dariiqyada daadsan, yaynaan biirin mid kale.

Dedaalka waxa ka qayb qaadan kara dugsiga, malcaamadda, masaajiddka, iyo meherada oo intaba lagaga hadlo ilaalinta deegaanka. waxa ku xiga in dhowrkii sekadoodba samaystaa olole ay xaafadooda ku nadiifiyaan iyo in ay guulaan meel qashinka lagu ururiyo, hadhowna laga qaado. Dedaalkan waa in raggu hormuud ka noqdaan oo sida tabliiqa masaajiddka ka abaabulaan, waayo howsha taalaa way ka badan tahay mid dowlada hoose ka geyoon karto. Waxa hubaal ah in mudo kooban wax wayni isbedeli doonaan.

ckariim2411@gmail.com