𝐇𝐨𝐨𝐬 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐟𝐚𝐲𝐭𝐚𝐦𝐢𝐢𝐧-𝐃 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚..W/X:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Xannuunka macaanka noociisa koowaad (Type 1 Diabetes) waxa u sabab ah unugyada difaaca ee T-cells oo intay khalkhaleen weerar aan waxba la isu hanbayn ku qaaday Unugyada loo yaqaan Beta-cells ee xubinta ganaca. Unugyada Beta-cells waa kuwa sameeya hormoonka Insulinta ee qaabilsan dheeli tirka sonkorta, taasi oo keenta in gebi ahaanba insuliintii ganaca samaynayay istaagto (Ferre, 2004). Xannuunkan oo sida aqlabiyadu tahay ku dhaca caruurta yar yar iyo dhalin yarta waxa curashadiisa ka qayb qaata sababo la xidhiidha hide-sidayaasha qofka, duruufaha deegaanka uu ku nool yahay iyo xaaladiisa dhaqaale.

 

Daraasado badan ayaa tilmaamaya inuu xidhiidh jiro; kaas oo la xaqiijiyay kadib markii la shaybaadhay nud laga qandhiiftay (biopsy tissue) ganaca qof xannuunkani ku cusub yahay. Waxa lagu arkay nudihii unugyo isugu jira T-cells, B-cells, iyo Macrophages oo aad u badan. Noocyadan oo ah unugyada difaaca jidhka kuwa calanka u sida ee ugu halisaysan. In meel aan laga baran joogidoodda lagu arkaa waxay tilmaamaysaa in difaaci qofku khalkhalay oo isagu is duqeeyay (Nakashima et al 2016). Aqlabiyada daraasadaha caalamiga ah ee ku saabsan dabeecadaha iyo astaamaha xannuunka Macaanka Nooca Kowaad ayaa iyaguna xoojinaya in xidhiidh adag oo sababeed ka dhexeeyo hoos u dhaca faytamiin-D ga iyo Macaanka Noociisa Kowaad (Nakashima et al 2016).

 

Waxaad ka sii akhriyi kartaa buuga

𝐃𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚-

𝐇𝐞𝐥 𝐧𝐨𝐥𝐨𝐥 𝐟𝐢𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐛𝐚.

 

W/X:Dr-Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com