Taariikhda markii ugu horreysay, 10 sanno gudahood…W/Q:(Kamaal Marjaan)

Taariikhda markii ugu horreysay, 10 sanno gudahood waxaa la arki doonaa maalqabeenno hantidoodu gaadhayso Tirilyoon (Kun Bilyan oo doolar), taas oo magacii bilyaneer ee maalqabeenka dunida hadda loo yaqaanno u beddeli doonta Tirilyaneer. Laakiin dhinaca kalana waxaa laban-laab kordhi doonta saboolnimada.

Shan bilyan oo ka mid ah 8.2 Bilyan ee dadka dunidu ay yihiin ayaa hoos u sii geli doona xaaladda saboolnimo, taas oo macnaheedu noqonayo in dadka dunida ay ku dhowaad boqolkiiba 62 saboolnimadu ku sii kordhi doonto.

Sidaas waxaa sheegtay warbixin ay soo saartay hay’adda la dagaalanka saboolnimada ee Oxfam.

Oxfam waxa ay ka deyrisay, xaaladda kala tagga dhaqaale ee bulshada dunida oo uu si xawli ah u sii kordhaya haynta maaliyadeed ee dad tiro yar, halka bulshada inteeda badan uu dakhligoodu si weyn hoos ugu sii dhacayo. Waxa ay tusaale u soo qaadatay, shanta nin ee dunida ugu maalqabeensan maanta oo hantidoodu ay boqolkiiba 114 korodhay intii ka dambaysay 2020 kii.

Amitabh Behar, agaasimaha fulinta ee Oxfam ayaa sheegay in warbixintani ay muujisay in dunida ay u bilaabanayaan 10 sanno oo kala fuq iyo qaybsanaan dhaqaale ah. waxa aanu ka deyriyey in la dagaalanka saboolnimada dunida oo lagu guulaystaa ay u baahantahay in ka badna 200 oo sanno.

Oxfam oo ka hadlaysay xalka ay u aragto in lagu xakamayn karo dhibatada ah in lacagtu ay ku ururto dad kooban gacmahooda, bulshada badankeeduna sabool noqoto, waxa ay soo jeedisay talooyin ay ka mid tahay;

1. in dawladaha dunidu ay cashuuro joogto ah ka qaadaan maalqabeennada,

2. in cashuuro wax-ku-ool ah laga qaado shirkadaha waaweyn,

3. iyo in la sii xoojiyo la dagaalanka cashuur la baxsiga, (Taas oo sida caadiga ah ay maalqabeenka iyo shirkadaha waaweyni ugu badan yihiin ka baxsashada cashuuraha).

 

FG:

Sawirka kelida ahi waa agaasimaha Oxfam, sawirka kalana waa shanta maalqabeen ee dunida ugu maaliyadda badan.

2453CR-DAVOS-MEETING_INEQUALITY_ROUGH_CUT_O_