HA FILAN IN NAFTAADU ISBEDDEL TOGAN SAMAYSO, ILLAA AAD DAD FIICAN ISKU XEERTO, BUUGGAAG ANFAC LEHNA AKHRIDO

Guusha iyo fraxadda aad nolosha ka gaadhayso, boqolkiiba 85 waxaa go’aaminaya tayada Xidhiidhada bulsho ee aad leedahay, qof ahaan iyo hawlahaaga shaqo. Noloshaada tallaabo kasta oo aad qaaddo, waxaa ku horjooga qof ku caawinaya ama kaa leexinaya jidkaaga saxda ah.Qofku waa sida xayawaanka jirjiroolaha, waxa uu isla beddelaa habdhaqanka, dabeecadaha, qiyamka iyo aaminsanaanta hadba dadka waqtiga ugu badan ku xeeran. …

Iska xeer dadka dhinaca togan wax ka eega, farxadda la nool ee nolosha Yoolka ka leh. Dadka noloshoodu horusocodka tahay, kana fogow, dadka taban ee dhaliisha iyo cabashada badan.

 

#SuccessSecret

Qore:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com