Maraykanka aynnu hadda naqaanno (USA), waxaa qarannimadiisa lagu dhawaaqay 1776, laakiin hortii kumannaan sano ayaa la deggenaa dhulkan oo loo yaqaannay woqooyiga Ameerika. Qawmiyado asal u leh ayaa dhulka ku beernaa, luuqado iyo xadaarado u gaar ahna waa ay lahaayeen, intii ka horreysay 1492 kii markii uu dhulkaas helay sahamiyihii Talyaaniga ahaa ee badmaax Christopher Columbus. Kaas oo inta uu garan waayey meesha uu joogo, u qaatay dadkani in ay Hindi yihiin, sidaasna ku bixiyey magaca Hindida cas.
Horraantii 1600 ayaa gumaystayaashii reer Yurub oo Ingiriis u badnaa ay gaadheen Maraykanka, waxa aanay ka bilaabeen deegaamayn iyo in ay barakiciyaan dadkii dhulka lahaa.
Taariikhyahannada qaarkood tirada dadka dhulkan lahaa, waxa ay qiyaasaan in xilligaas ay ahayd illaa 100 milyan oo ruux, kuwaas oo 100% kelidood deggenaa dhulka.
Si kastaba ha ahaato ee, laga bilaabo Maalintii dadka Yurub dhulka yimaaddeen, waxaa bilaabatay in tiradoodu ay hoos u dhacdo. Sababaha waxaa ka mid ahaa:
1. Dadkii dhulka yimid, waxa ay si badheedh ah u faafiyeen bakteeriyo iyo cudur-sideyaal ay ogaayeen in aanay hore uga jirin dhulkan, hab-dhiska difaaca ee dadkanina aanu u diyaarsanayn in uu iska caabbiyo.
2. Xanuunnadii sida caadiga ah ugu dhici jiray dhulka Yurub ee dadkani ay sideen, ayaa iyaguna si aan ku talagal ahayn ugu faafay dhulka oo dadkani aad ugu dhinteen.
3. Dadkii reer Yurub barakicin xoog ah ayaa ay dadkan ku sameeyeen, si ay ugala wareegaan deegaannada hodanka ku ahaa beerashada iyo macdanaha ee ay deggenaayeen.
4. Soogalaytigii Yurub dagaallo isirtir ah ayaa ay ku qaadeen qabiilooyinkan, tobannaan kun ayaanay si arxan darro ah u xasuuqeen.
5. Addoonsi iyo in si xoog ah loogu shaqaysto iyada oo aan la daryeelin, ayaa ay dad badani ka qaadeen cudurro iyo tacab ay u dhinteen; waxaa ka mid ahaa in loo adeegsaday qodaalka beeraha, iyo shaqooyinka kale ee culus, iyada oo aan la siinayn daryeel, lana kala reebayn rag, haween iyo dhallaan.
Maanta dadkaas waxaa ka nool tiro lagu qiyaaso 5 milyan oo ku filqan dhul weynaha Maraykan, gaar ahaan ceshiimooyin ay dawladdu hore ugu cayintay oo aan horumarsanayn.
Markii soogalaytiga reer Yurub ay hal qarni oo keliya dhulkan joogeen, ayaa tirada beelihii dhulkan lahaa ay hoos u dhacday in ka badan boqolkiiba 90. Sidii ayaanay hoos ugu socotay, illaa ay gaadhay in maanta ay ka yartahay boqolkiiba 2, dadka Maraykanka ah oo la qiyaasayo in ay yihiin 342 Milyan.Dawladdii Maraykan ee dhalatay gumaysigii Yurub kaddibna, ugama ay soo dabcin ee siyaasado takoor iyo cabudhin ah ayaa ay dhaqangelisay, illaa laga soo gaadhayey dabayaaqadii qarnigii labaataanaad.Maanta xaalkoodu waxa uu marayaa, in dawladda looga ololeeyo in dadkaas inta hadhay la ilaaliyo si aanay u dabar goโin, iyo in xuquuqdooda muwaadinnnimo loo ogolaado.
Markii ay dawladda Maraykan 148 sanno jirtay kaddib, sannadkii 1924 kii ayaa ay soo saartay shuruuc iyo xeerar xuquuq muwaadinnimo siinaya dadkii dhulka asalka u lahaa. Goballo badanna sannadkii 1965 kii ayaa ugu horreysay markii ay soo saareen xeerar dadkan u ogolaanaya xaqa ay u leeyihiin in ay codeeyaan xilliga doorashooyinka.
2011 kii dhowaa ayaa ay ahayd, markii madaxweyne Obama uu soo saaray wareegto, hayโadaha dawladda faraysa in dadkan lagala tashado, waxyaabaha danahooda iyo deegannadooda khuseeya ee ay dawladdu ka fulinayso dhulka ay deggen yihiin
Sannadkii 2009 ayaanu taariikhda markii ugu horreysay isugu yeedhay, kulan ay madaxdooda dhaqanku madaxweynaha kula qaateen aqalka cad. Kulankaas oo mar kale 2016 uu isugu yeedhay waxa ay ujeeddadiisu ahayd, bal in dadkan la siiyo fursad ay danahooda toos ugala hadli karaan madaxda qaranka.
Qore :Kamaal Marjaan
Bandhige@gmail.com